Dowladda Soomali oo ku gacan-seyrtay dalab uga yimid dowladda Kenya

by admin | Sunday, Dec 28, 2014

Gedo : HN :– Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan-seyray dalab uga yimid dowladda Kenya oo ka codsatay saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo in loo soo gacan-galiyo Sakariye Ismaaciil oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, islamarkaana isku dhiibay dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo, Col. Cabaas Ibraahim Gurey ayaa sheegay inaysan u gacan-gelin doonin Zakariye ciidamada dalka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kuna sugan gobolka.

“Saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo waxay naga dal-badeen inaan ku wareejinno Sakariye Ismaaciil, balse waan diidnay, waayo Kenya waa dowlad annaguna dowlad ayaan nahay, balse iskaashi ayaa naga dhexeeya,” ayuu yiri Col. Cabbaas.

Col. Cabbaas ayaa intaas ku daray in ammaanka Sakariye oo Al-shabaab ka tirsanaan jiray ay gacanta ku hayaanCol.-Cabaas-280x175, sidaas darteedna ay doonayaan inay ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya, balse aanay cid kale ku wareejin.

“Sakariye wuxuu hoos-joogaa maanta calanka Somalia, ciidamada Somalia ayaana gacanta ku haya, hadii la maxkamadeynaya gudaha Soomaaliya ayaa lagu maxkamadeyn doonaa,” ayuu Col. Cabbaas hadalkiisa ku daray.

Ma jiro hadal kasoo baxay dowladda Kenya oo ku aaddan go’aanka kasoo baxay ciidanka dowladda Somalia ee gacanta ku haya Sakariye, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo ciidamada dowladdu ay si cad ugu gaca-sayraan codsi uga yimid ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee, Sakariye Ismaaciil oo la sheegay inuu ahaa madaxii Al-shabaab ee dhaqaalaha iyo sirdoonka ayaa shalay gacanta u soo galay ciidamada dowladda ee ku sugna degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, iyadoo Al-shabaabna ay sheegtay inuu laba sano ka hor ka goostay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!