Dowladda South Sudan oo beenisay in uu dhintay madaxweyne Salva Kiir

by wadani | Wednesday, Oct 12, 2016

Juba : HN :-salvaAfhayeen u hadlay dowladda dalka Koonfurta Suudaan oo lagu magacaabo Ateny Wek Ateny ayaa waxba kama jiraan iyo been abuur ku tilmaamay warar soo baxay oo sheegaya in uu dhintay madaxweynihii dalkaas Salva Kiir.

“Waxaan ku wargelinayaa muwaadiniinteena oo dhan in, warka sheegaya ee saacadihii la soo dhaafay soo baxay ee lagu baahiyay baraha bulshada ee ahaa inuu dhintay Madaxweyne Salva Kiir, waa been”ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Ateny Wek Ateny.

“Markii aan maqlay wararka xanta ah ee suuqa la soo geliyay, waxaa aaday gurigiisa, waxaa arkay isagoo buugaag ku akhrisanaya qeybta Library”ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha.

Baraha Bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay warar ku saabsanaa xaalada caafimaad ee Madaxweynaha Koofurta Sudan iyo inuu geeriyooday.

“Madaxweyne Salva Kiir waa caafimaad qabyaa, wuxuuna si caadi ah u gudanayaa waajibaadkiisa shaqo, xafiiskiisa ayuu ku sugnaa maanta illaa 3-dii galabnimo, wax dhib ah ma qabo”ayuu yiri Ateny Wek Ateny.

Ateny ayaa ku eedeeyay Warbaahin ay ka mid ah Idaacada Codka Mareykanka ee VOA inay baahiyeen wararka ku saabsan inuu xanuunsan yahay Madaxweyne Salva Kiir

Ugu danbeyntii, xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemay magaalada Juba ee Caasimada Koofurta Sudan, kaddib markii ciidamo aad u fara badan la soo dhoobay waddooyinka, waxaana arrintan ay keentay shaki aad u weyn

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!