Dowladda Turkiga oo deeqdii ugu horeysay soo gaarsiisay dadka ay abaaraha ku dhufteen

by admin | Monday, Sep 29, 2014

Muqdisho : HN :– Kaddib markii dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarku ay ku dhawaaqeen in Somalia ay ka jiraan abaaro aad u daran oo saameeyay ku yeeshay dadka iyo duuniyada ayaa waxaa durba kasoo jawaabay baaq ay dowladdu caalamka u dirtay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Markab siday 10,000 oo metric ton oo raashin  kala duwan ayeey dowladda Turkiga soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya, kaasoo ku soo2014929635475603966093902Bisha Cas Turki (6)(1) xirtay dekeda magaalada Muqdisho.

Mustafa oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii saxaafadda kula hadlay dekedda ayaa xusay in howshan ay noqon doonto mid joogto ah, ayna diyaar u yihiin inay dalka soo gaarsiiyaan gargaar kale oo intan ka badan inta laga qafiifinayo abaaraha ku dhuftay Soomaliya, ayna diyaar u yihiin inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameyeen.

Dalka Turkiga ayaa wuxuu hormuud u yahay dalalka caawiya Soomaaliya, iyadoo markii ugu horreysay ay Turkigu howlo gargaar bixin ah ka billaabeen dalka Soomaaliya sannadkii 2011, markaasoo ay dalka ka dhacday abaar sababtay macluul daran.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!