Dowladda Turkiga oo riday diyaarad dagaal oo laga lahaa dalka Ruushka

by admin | Tuesday, Nov 24, 2015

Turkiga : HN :–Warar soo baxaya ayaa sheegaya in militariga dalka Turkiga soo rideen diyaarad dagaal uu leeyahay Ruushka meel ku dhow xadka Suuriya, kadib markii ay ku soo xadgudubtay hawada Turkiga.

Sidda laga soo xigtay wasaarrada difaaca dalka Ruushka diyaarad nooceedu ahaa Su-24 ay ku bur burtay gudaha Suuriya, kadib markii Gantaal lagu dhiftay.

Duuliyaha diyaarada ayaa la sheegay inuu iska tuuray diyaarada, markii diyaarada ku dhacay gantaalka, dabadeedna uu dab qabsaday.Diyaarad_Millateri_Muqdisho_660

Saraakiil ka tirsan militariga Turkiga ayaa sheegay in diyaarada F-16s ay soo riday diyaarada Ruushka, markii ay ku soo xadgudubtay hawada Turkiga, digniino dhowr ahna la siiyay duuliyaha diyaarada waday.

Ruushka ayaa beeniyay inay ku xadgudbeen hawada Turkiga, waxaana ay tilmaameen in diyaaradooda aanay sameyn wax xadgudub ah.

Sidoo kale waxaa la arkayay labo ka mid ah duuliyeyaasha diyaarada oo baarashuut kaga soo booday diyaarada, iyadoo goor dambe Telefishinka Al-Carabiya uu soo bandhigay meydka mid ka mid ah duuliyeyaasha oo ay heystaan dabley Turkish ah.

Muuqaal muujinayay diyaarada oo qeyb uu dab ka qabsaday ayaa la arkayay, iyadoo ku soo dhaceysay buuraha Gobolka Latakia ee ku dhow Xadka.

Ruushka ayaa bishii September duqeymo cirka ah ka bilaabay dalka Suuriya, si uu u taageero dowladda Madaxweyne Bashar Al-Asad.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!