Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay ka hortagtay diyaaradaha dagaalka Ruushka

by admin | Monday, Oct 5, 2015

Turkiga : HN :–Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in ay diyaaradaheeda dagaalka ka hor tageen diyaaradaha dagaalka Ruushka ee duqeynta ka wadda dalka Siiriya kuwaa oo ku soo xadgudbay hawada dalka Turkiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradaha Turkishka ee F-16 ayaa ka hortagay diyaaradaha dagaalka Ruushka, markii ay soo galeen hawada Turkiga, waxaana ay dib diyaarada_dagaalka_saudigaugu noqdeen dhanka Hawada Turkiga

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa arrintan kala hadashay dhigeeda Ruushka iyo Wasiirada dowladaha Nato xubnaha ka ah.

Ruushka ayaa duqeymo ka waday gudaha Suuriya, kaasoo uu ku taageerayo Madaxweyne Basha Al-assad.

Safiirka Ruushka u fadhiya Ankara ayaa looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, si wax looga weydiiyo arrinta diyaaradaha Ruushka ee ku soo xadgudbay hawada Ruushka.

Afhayeenka Aqalka Kremlin oo ku sugan Moscow ayaa wali xaqiijin arrintan, hase ahaatee waxaa uu xusay in Safiirkooda ku sugan Ankara ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga

Ruushka oo bilaabay ololihiisa duqeyn ee Suuriya maalintii Arbacadii ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu duqeynayo kooxaha mucaaradka ee ay qaarkood taageeraan reer galbeedka, bedelkii uu ka duqeyn lahaa dowladda Islaamiga.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!