Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay marti-galineyso shir looga hadllayo xag-jirnimada

by admin | Sunday, Nov 9, 2014

Turkiga : HN :–Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay  marti-galeyso shir ama kulan  looga hadlayo xag-jirnimada oo uu soo qaban-qaabiyay ururka ka hor-tagga qabyaaladda oo fadhigiisu yahay magaalada London ee xarunta dalka Britain, shirkaas oo furmi doona Isniinta berri ah ayaa socon doonaa afar maalmood.

Shirka ayaa waxaa la sheegay in lagu martiqaaday waddamada Geeska Afrika, iyadoo looga hadli doono ururrada Al-shabaab ee Somalia iyo kooxda kale ee Daacish oo dalalka Ciraaq iyo Suuriya ka dagalaama si shacabka looga wacyi-geliyo inay dagaallada ay wadaan kooxaha ka qayb-galaan.

“Waa shir aan aad u daneynayo ka qaybgalkiis, waayo waxaa looga hadlayaa xag-jirmada, Itoobiyana waxay ka mid tahay dalalka lagu casuumay kulanka,” ayuu wasiirka warfaafinta Itoobiya, Bereket Simon u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale, shirka ayaa waxaa looga doodi doonaa sidii dowladda Somalia oo shirka qayb ka ah ay uga wacyi-gelin lahayd shacabkeedaAl-Shabaab fighters inay ku biiraan Al-shabaab iyo IS, kuwaasoo xilliyadii ugu dambeysay la sheegayay ay horay ugu biireen dhallinyaro Soomaaliyeed oo aad u da’yar.

“Waxaan u baahan-nahay istaraatijiyad lagula dagaallamo xagjir-nimada si looga hortago falalka argagaxisonimo ee ay kooxahan wadaan,” ayuu yiri madaxa agaasimaha ururka u dhaqdhaqaaqa ka hortagga qabyaaladda, Aadan Mataan. Isagoo intaas ku daray. “Dhamaan dhinacyada kasoo qayb-galaya shirka waxaan laga doonaynaa inay si wadajir ah uga shaqeeyaan in ay soo saaraan qorshe dhameystiran oo looga hortago argagaxinimada.”

Aadan Mataan ayaa sidoo kale sheegay in Somalida looga fadhiyo inay xal lagu joojinayo taageerada ay u hayaan fikradaha xagjirnimada ee ku dhisan rabshadaha, si ay u hakadaan weerarrada iyo hanjabaadaha ka imanaya.

Kulankan oo ka dhici doona magaalada Istanbuul ayuu ururku sheegay inay ku casuumeen madaxda Soomaalida, kuwa bariga Afrika iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed si ay dhallinta uga wacyigeliyaan xagjir-nimada, colaadaha iyo qabyaaladda, ayna shirka kasoo saaraan war-murtiyeed ka dhan ah Al-shabaab iyo kuwa kale ee colaadaha Bariga Afrika ku lug leh.

Ugu dambeyn, ururka ayaa xusay inay shirka ku casuumi doonaan dhibbanayaan wax ku noqday falalka argagaxisonimo, si ay goobta sheekooyinkooda ula wadaagaan waaya-aragnimadooda ku saleysan wixii ay lasoo kulmeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!