Dowladda Uganda oo albaabada u laabtay xarumo lagu barto diinta Islaam-ka

by admin | Tuesday, Mar 24, 2015

Uganda : HN :–Wararka naga soo gaaraya dalka Uganda ayaa albaabada u laabtay ilaa shan xarumood oo lugu baranayay diinta islaamka,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliska dalka.

Xiritaanka goobaha wax lugu barto ee dalka Uganda waxaa la sheegay inay timid,kaddib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira goobaha la xiray in ardeyda lugu barayay sidii ay ugu biiri lahaayeen dagaal-yahannada al-Shabaab ee ku xooggan Soomaaliya.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay iyadoo xiganaysa sarkaal ka tirsan booliska oo lugu magacaabo,Patrick Onyango in xarumahaasi carruurta looga dhaadhiciyo fikradaha al-Shabaab iyo kooxaha kale ee caalamka ka dagaallama.

“Carruurta maskaxda ayey ka badalaan , waxay u tababaraan in ay noqdaan dagaal-yahanno “ sidaa waxaa hadalkiisa kusii daray333x193xKampala003.jpg.pagespeed.ic.87IzrKteqh Patrick.

Saddex ka mid ah shan madaraso ee laxiray waxa ay kuyaalaan bartamaha magaalada Kampala halka labada kalana ay ku yaalaan bariga caasimada Kampala.

Wargeyska Daily Monitor ee Uganda ka soo baxa ayaa daabacay in culimada muslimiinta ah ee dalkaasi Uganda ay cambaareeyeen go’aanka dowladdu ay ku xirtay xarumhaasi.

Kassim Nakibinge oo katirsan culimada Uganda ayaa kutilmaamay tilaabada dowlada Uganda in ay tahay mid lagu bartilmaameedsanayo dadka Muslimiinta ah.

Dowladda Uganda waxaa kaga sugan Soomaaliya ciidammo qayb ka ah howlgalka al-Shabaab kuwaaso la-dagaallamaya ururka al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallama.

Hiiraan Net.

___

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!