Dowladda Uganda oo sheegtay in ay jawaab ka bixin doonto weerarkii Janaale

by admin | Thursday, Sep 3, 2015

Muqdisho : HN :–Ciidamada Millateriga Uganda ayaa ku goodiyay inay Jawaab adag ka bixin doonaan Weerarkii ay Al-shabaab 10-dii bishan September ku Qaadday Saldhigga Ciidamada AMSIOM, ku leeyihiin Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka Militariga Uganda, Paddy Ankunda ayaa bogga uu Twitter-ka ku leeyahay ku daabacay in ciidamada dalka Uganda ee Somalia ka Sugan ay Jawaab deg-deg ah ka bixin doonaan Weerarkii Xarakada Al-shabaab ay saldhiggooda Janaale la beegsatay.

“Weerarkan wuxuu wax ka bedeli doonaa ciyaarta, waxaan leenahay Al-shabaab ha fishaan Jawaab adag oo dhaqso ah ayPaddy_Ankunda_Jawaab_AMISOM ciidamadeena Somalia jooga ka bixin doonaan Weerarkaas,” ayuu ku yiri Ankunda Qoraalka uu Twitter-kiisa soo dhigay.

Sidoo kale, Afhayeenka Ciidamada Uganda oo saxaafada Maanta kula hadlay Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda ayaa beeniyay in Al-shabaab ay ku dileen weerarkii Jannaale 50 Askartooda ka mid ah; isgaoo sheegay 12-askari oo keliya looga dilay.

Afhayeenka ayaan bixin Faahfaahin intaas ka badan, iyadoo Xilliga uu Hadlayay ay ahayd markii 10-askari oo ciidanka Uganda looga dilay deegaanka Jannaale la geeyay Magaalada Kampala, si loogu aaso dalkooda.

Ugu dambeyn, Paddy Ankunda ayaa dhanka kale, beeniyay in Weerarkaas ay ku waayeen, isagoo xusay inay Askar kaga dhaawacmeen weerarkaas, balse ma sheegin tirada askarta ka dhaawacmay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!