Dowladdaha Soomaaliya iyo Burundi oo hishiis kala saxiixday

by admin | Sunday, Oct 19, 2014

Bujunbura :HN :–Dowladdaha Soomaaliyiya iyo Burudi ayaa ku kala saxiixday magaalada Bujunbura  hishiis ka kooban 14 qodob kaddib markii uu dhawaan halkaa gaaray ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya.

1-in dib u eegis lagu sameeyo xiritaanka Safaaradda Somalia ee Bujumbura, isla markaana si taxadar leh loo hubiyo ujeedada xirtaanka Safaaraddaasi.

2-in dib loo soo nooleeyo heshiis dhexmaray dowlaha Somalia iyo Burundi bishii May ee 2012-kii, kaas oo ku dhisnaa iskaashi iyo 515x289xgftv1-515x289.png.pagespeed.ic.TGt3NR7Xlnsaaxiibnimada dheer ee labada dalka ka dhaxeysa ee dhanka ammaanka, maamulka, adeegga dowladda, ganacsiga iyo adkeynta xiriirka labada dal.

3-In labada dal ay si muuqata u wadaagaan wel-welka la xiriirka eedeynta loo jeediyey ciidammada AMISOM ee dhanka Kufsiga kana timid hey’adda Human Rights Watch, isla markaana guddi ka kooban wasiirrada iyo khubarada labada ay baaraan arrintaasi, si tallaabo adag looga qaado cid walba oo ku lug yeelata eedeyntaasi.

4-in la sameeyo iskaashi dhanka Warshadaha oo u dhaxeeya Somalia iyo Burundi.

5-In wasiirrada Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ay ka shaqeeyaan fulinta heshiiskaan, isla markaana ay soo bandhigaan qorshahooda.

Heshiiskan ayaa waxaa Somalia u saxiixay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga, Mudane Burci Maxamed Xamsa, iyadoo dowladda Burundi uu u saxiisay wasiirka Arrimaha Dibedda.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku ammaanay dowladda Burundi hanaanka Dimoqoraadiyadeed ee ka jira, ammaanka iyo sida ay uga go’an tahay in ay Soomaaliya kala shaqeeyaan dhisidda ciidammada Qaranka iyo sugidda ammaanka dalka.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa ka codsaday madaxweyne ku xigeenka koobaad ee dalka Burundi iyo xunbaha wasiirrada dalkaasi  in ay booqasho ku yimaadaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa booqashada ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Burundi, waxa uuna ballan qaaday in ay soo booqan  doonaan Somalia dhowaan.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!