Dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka oo hishiis kala saxiixday

by admin | Friday, Nov 7, 2014

Dubai : HN :– Dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta  ayaa kala saxiixday iskaashiga dhinaca ammniga  waxaana hishiiska u kala saxiixay labada wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdalla Bin Zayid Al-nahyan ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi amni ah.

Kulan labada mas’uul ay ku qaateen xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa waxay kaga hadleen arrimaha labada dal, iyadoo WasiirkaHeshiis Gaashaandhiga uu uga warbixiyay arrimaha ammaanka, siyaasada iyo horumadii u dambeeyay ee ay dowladda gaartay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga maghad celiye Dowladda imaaraadka taageerada joogtada ah oo ay la garab taagan tahay mar kasta.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Heshiiskan uu la saxiixday Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan Baarlamaanka uu meel mariyay heshiis xaga gaashaandhiga oo horay u kala saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!