Dowladdaha Soomaaliya oo kala saxiixday hishiis lagu hormarinayo ciidammada booliiska

by admin | Wednesday, Sep 30, 2015

Nairobi : HN :–Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta xarunta safaarada Soomaaliya ee magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu horumarinayo ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Hishiiskan oo muhiimadiisu tahay tababaridda ciidamadda booliska iyo la dagaalanka argagixisada ayaa waxa wajigiisa koowaad lagu224-620x264 bilaabayaa maamulka Puntland,iyadoo ay ku kaceysa lacag dhan 1 milyan oo doolar.

Munaasabadda heshiiskan lagu saxiixayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa kulanka heshiiska lagu kala saxiixayay waxaa goob jog ka ahaa Raiisul wasaaare ku xigeenka xukuumada faderalka Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ,Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan,qunsulka safaarada Cali Maxamed Sheekh (Cali Begadi)safiirka mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Raymond W. Stephens, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, iyo wasiirka maaliyada ee maamulka Puntland Cabdullahi Sheikh Axmed.

Heshiiskan ayaa waxaa ka faa’ideysan doono dhammaan ciidanka booliska ee dowlada dhexe iyo kan maamul goboleedyada dalka ka jira.

Dowlada mareykanka ayaa dowlada Soomaaliya ka taageerto dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka aragagixisada.

Hiirana Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!