Dowladnimadu waa mushriknimo, WQ: Omer Suleiman Ali

by Yahye | Saturday, Feb 8, 2014

Ugu horrayn waxaan doonayaa in ummadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed ay maqaalkan siiyaan fiiro gaar ah, haddii ay igu raacsan yihiinna waxaa waajib ku noqonaysa in ay is daba qabtaan.

فَرِيقًا هَدَى وَفَرِيقًا حَقَّ عَلَيْهِمُ الضَّلَالَةُ إِنَّهُمُ اتَّخَذُوا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ مُهْتَدُونَ(الأعراف 30). الَّذِينَ ضَلَّ سَعْيُهُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَهُمْ يَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ يُحْسِنُونَ صُنْعًا(الكهف 104). أَمْ يَحْسَبُونَ أَنَّا لَا نَسْمَعُ سِرَّهُمْ وَنَجْوَاهُمْ بَلَى وَرُسُلُنَا لَدَيْهِمْ يَكْتُبُونَ(الزخرف 80).

Aayadahan kor ku xusan waxaa ka wada muuqata in ay nalooga digayo in aynaan innaga oo qaldan isu malaynin in aynu qumman nahay.

Waxaan culumada Soomaliyeed ka codsanayaa in ay maqaalkan ka hadlaan si ay ummadda ug badbaadiyaan cadaabka aakhiro iyo dullinimo adduunyo. Wixii fikirkooda ahna ay igala soo xiriiraan e-mailka aan hoos ku soo sheegi doono. Waxaanna doonayaa in ay i qanciyaan in waxa aan qoray ahayn xaq ee ay baadil yihiin. Haddii ay sugaan waa in ay dadka si toos ah uga hor joogsadaan in ay ku sii sugnaadaan shirkinimo. Dadku waxay u barteen dawlad muddo dheerna way ku soo dhaqmeen hase yeeshee marna xagga diinta Islaamka lagama eegin, sidaas darteed waxaa maanta aad u adag in qofka caadiga ah laga dhaadhacsiin karo in dawladnimadu tahay Ilaah sheegasho.

Waxaan doonayaa in aan dadka Soomaaliyeed gaar ahaa iyo ummadaha Islaamka ah guud ahaan aan dareensiiyo in dhibaatada baadilka noogu ekaysiisay xaqa ay tahay gumaysigii shisheeyaha ahaa oo markii uu na qabsaday noola yimid hay’adihiisii ama institutions kiisii, ilaa maanta aynu kala sooci la’ nahay waxa xaqa ah iyo wax baadilka ah.

Matal sharciga xaqa ah in lagu dhaqmo waa midka xaqa ah ee Alle ka sugnaaday waxaana baadil ah sharci kasta oo aadami qortay. Dadka ku shaqaysta sharciga aadamigu sameeyey ee loo yaqaan lawyers –ka waxaan uga digayaa in ay xoolaha laga helaa yihiin xaraan markii loo eego xagga shareecada Islaamka waayo in lagu garsoortamo wax aan ahayn shareecada Islaamka ayaa ah gaalnimo, shirkinimo iyo faasuqnimoba.

إِنَّ اللَّهَ لَا يَغْفِرُ أَنْ يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَلِكَ لِمَنْ يَشَاءُ وَمَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدِ افْتَرَى إِثْمًا عَظِيمًا(النساء 48). لَقَدْ كَفَرَ الَّذِينَ قَالُوا إِنَّ اللَّهَ هُوَ الْمَسِيحُ ابْنُ مَرْيَمَ وَقَالَ الْمَسِيحُ يَابَنِي إِسْرَائِيلَ اعْبُدُوا اللَّهَ رَبِّي وَرَبَّكُمْ إِنَّهُ مَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدْ حَرَّمَ اللَّهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ وَمَأْوَاهُ النَّارُ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ أَنْصَارٍ(المائذة 72).

Labadan aayadood waxay si cad uga hadlayaan in uusan mushrigu lahayn toobad jannadana laga xarrimo oo uusan gelayn.

Marka shirkigu muxuu yahay?

Shirkigu waa iyada oo cibaadadii Alle iska lahaa la siiyo cid kale. Waxaana lagu gartaa shirkigu waa xumaan aan shareecada Islaamka ku lahayn xad ciqaabeed looga toobad keeno oo qofkii gala la mariyo. Xadka oo la gooyaa waa toobad.

Cibaadaduna marka maxay tahay?

Ereyga عبد wuxuu ka soo jeedaa العبد oo ah addoonka, marka عبد waa u addoon noqosho cid. Wuxuuna qof addoon u noqdaa cidda u talisa isaguna ma laha talo wax kasta oo uu samaynayo cidaas uu addoonka u yahay ayaa u jaangoysa. Haddii uu Alle kuu taliyo oo uu isagu kuu jaan gooyo waxyaabaha aad samaynayso isaga ayaad u nqonaysaa addoon waana arrin xaq ah, laakiin haddii cid kale kuu taliso oo wax qabadkaaga ay jaan gooyaan ciddaas ayaad u tahay addoon oo aad caabudaa, waayo adigu talo ma lihid.

إِنَّا أَنْزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ فَاعْبُدِ اللَّهَ مُخْلِصًا لَهُ الدِّينَ(الزمر 2). قُلْ إِنِّي أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ اللَّهَ مُخْلِصًا لَهُ الدِّينَ(الزمر 11). قُلِ اللَّهَ أَعْبُدُ مُخْلِصًا لَهُ دِينِي(الزمر 14).

Aayadahaasi waxay dhammaan sheegayaan in Alle si dhab ah loogu addoon noqdo oo isaga si dhab ah loo caabudo. Rusushii iyo ambiyadii Alle oo dhammi waxay dadka fareen in Alle keligiis caabudaan oo ay keligiis u noqdaan addoon.

 قُلْ أَفَغَيْرَ اللَّهِ تَأْمُرُونِّي أَعْبُدُ أَيُّهَا الْجَاهِلُونَ(الزمر 64).

Aayaddanna waxaa uu lee yahay rasuulku ma cid aan Ilaah ahayn ayaad rabtaan in aan caabudo wax ma garato yahay.

Xukunka maxaa loola jeedaa?

Ereyga xukun wuxuu ka soo jeedaa حكم oo ah xakamaha fardaha waayo markii faraska la xakameeyo ayuu hoggaansamaa oo uu ku ogolaadaa in aad fuusho meeshii aad rabtana mariso, sidaas ayaa dadkana loo dejistaa sharci ciqaabeed lagu xakameeyo oo la isku ogolaysiiyo in lagu shaqaysto. Xukun waa qodobo sharci ah oo loo dejiyey in lagu dhaqmo marka haddii qodobadaas uu dad dejiyey dadkaas ayaa ku xukuma haddii Alle dejiyeyna isaga ayaa ku xukuma oo aad sharcigiisa u hoggaansan tahay caabudaana oo aad u tahay addoon. Waxaan kale oo dhihi karaa xukun waa ku amar ku taaglayn qof lagu amar ku taagleeyo. Marka haddii uu qof kugu amar ku taagleeyo qofkaas ayaa ku xukuma oo aad u tahay addoon, haddii uu Alle kugu amar ku taagleeyana Alle ayaa ku xukuma una tahay addoon. Amar ku taaglaynta Allena waa arrin qofka u dan ah oo uu isagu u baahan yahay laakiin Alle waxba uguma fadhido in aad caabadu.

Midda kale haddii uu qof ama koox dad ahi ku xukunto iyaga ayaa ku gumaysta oo xor ma tihid, haddiise uu Alle ku xukumo isaga ayaad u tahay addoon oo waxaad xor ka tahay aadamiga xukunkiisa inlayn Alle kama xoroobi kartid eh. Sidaas darteed Ilaah laguma gumoobo ee waa lagu goboobaa ama xoroobaa. Marka qofkii ama ummaddii ku dhaqanta shareecada Islaamka ee uu Alle xukumo ayaa xor ah xukunka aadamiguna waa gumaysi, sidaas darteed haddii uu qof ama koox dad ahi ku xukunto sida dawladda oo kale ama ha ahaato dawlo sokeeye ama mid shisheeye waxaad isku mid waana gumaysi.

إِذْ قَالَتِ امْرَأَةُ عِمْرَانَ رَبِّ إِنِّي نَذَرْتُ لَكَ مَا فِي بَطْنِي مُحَرَّرًا فَتَقَبَّلْ مِنِّي إِنَّكَ أَنْتَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ(آل عمران 35)

Aayaddan macnaheedu waa sidatan:

Waxay tidhi afadii Cimraan (oo ah nebi Ciise hooyadiis) Eebaw waxaan kuu hibeeyey in cunuggan ku jira uurkaygu uu adiga kuu madax bannaanaado ee iga gudoon waayo adiga ayaan lagaa maqal iyo aqoon badnayn.

Marka maxay tahay dawladi?

Dawlad waa koox dad ah oo xukunta dal iyo dad tiro iyo xuduud cayiman leh cid kale oo xukuntaana jirin, marka dawladdu marba haddii ay tahay dad xukuma dad waa gumaysi, waayo dadku awood uma laha in ay wax isu taraan ama isu dhibaan. Waxaana xaq u leh in uu ummad xukumo cidda waxna u gasha waxna u goysa oo haddii ay wanaag sameeyaan u abaal gudi karta haddii ay dembi iyo xumaan sameeyaanna ciqaab ku leh, sida runta ahna qofna qof ciqaab kuma laha waayo haddii uu qof dhibaato u geysto qof kale waa jawr fal iyo xadgudub Allena raalli kama ah. Kuwa la xukumo waxaa gumaysta kuwa xukuma oo ay u yihiin addoomo sidaas darteed iyaga ayay caabudaan.

Labadan aayadoodna waxaa ka muuqata in kuwa loo taliyaa ay caabudayaan kuwa u taliya.

إِذْ تَبَرَّأَ الَّذِينَ اتُّبِعُوا مِنَ الَّذِينَ اتَّبَعُوا وَرَأَوُا الْعَذَابَ وَتَقَطَّعَتْ بِهِمُ الْأَسْبَابُ(البقرة 166). وَقَالَ الَّذِينَ اتَّبَعُوا لَوْ أَنَّ لَنَا كَرَّةً فَنَتَبَرَّأَ مِنْهُمْ كَمَا تَبَرَّءُوا مِنَّا كَذَلِكَ يُرِيهِمُ اللَّهُ أَعْمَالَهُمْ حَسَرَاتٍ عَلَيْهِمْ وَمَا هُمْ بِخَارِجِينَ مِنَ النَّارِ(البقرة 167).

Marka dawladdu xaq ma u lee dahay in ay dadka inta ay u dejisato sharci ay ku sandulayso in ay sharcigaas ku dhaqmaan?

Waa maya waayo waxay taasi u eg tahay Ilaah sheegasho marba haddii ay isa siiyeen wax Alle mooyee cid kale xaq u lahayn. Waxaa idiinku daliil ah in xukunka dawliga ahi yahay baadil iyo xaaraan, haddii uu qof galo dembi oo ay dawladdu inta ay qabato saarto maxkamad lagu xukumo xabis ama ganaax ama ciqaab kale qofka galay dembigaas ciqaabka la mariyey ee xabiska ama ganaaxa ahi uma noqonayo toobad dembigii looga ridayo. Sidaas darteed wuxuu qofkaasi noqonayaa qof xuquuqdiisii lagu xad gudbay. Taas ayaa noo cadaysnaysa in xukunka dawladdu yahay baadil.

وَيَوْمَ نَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا ثُمَّ نَقُولُ لِلَّذِينَ أَشْرَكُوا مَكَانَكُمْ أَنْتُمْ وَشُرَكَاؤُكُمْ فَزَيَّلْنَا بَيْنَهُمْ وَقَالَ شُرَكَاؤُهُمْ مَا كُنْتُمْ إِيَّانَا تَعْبُدُونَ(يونس 28).

Maalin ayaannu inta aannu isu soo wada shirino ayaanu kuwii shirkin jiray ku odhanaynaa idinka iyo kuwii aad Alle ku sidki jirteen meeshiinna jooga oo ha ka dhaqaaqina, markaas ayaanu meeshaas ku kala soocaynaa, markaas ayay kuwii Alle lagu sidki jiray odhanayaan annaga nama aydaan caabudi jirin.

Waxaa kale oo is weydiin leh Nebi Muxammad csw dadka ma isaga ayaa xukumi jiray?

Haba ka yaabin mana dhici karto in uu isagu xukumayey. Aayadaha Quraanka ka sokow waxaa arrinkaas kuu cadaynaya, ma isaga ayaa marka Quraanka dejistay oo dhahay tuugga gacanta ha laga jaro, saani muxsinkana ha rajmiyo ma dhici karto. In uu isagu dadka xukumi jiray waxay la macne noqonaysaa in uu isagu Quraanka dejistay ee uusan Quraanku ahayn manhajkii Alle. Ruuxii sidaas aaminsan wuxuu noqonayaa ruux aaminsan in Quraanku yahay been abuur uu samaystay rasuulku csw taasina waa dembi culus oo wanaagga aakhiro lagu seegayo.

فَذَكِّرْ إِنَّمَا أَنْتَ مُذَكِّرٌ(21)لَسْتَ عَلَيْهِمْ بِمُسَيْطِرٍ(22)إِلَّا مَنْ تَوَلَّى وَكَفَرَ(23)فَيُعَذِّبُهُ اللَّهُ الْعَذَابَ الْأَكْبَرَ(24)إِنَّ إِلَيْنَا إِيَابَهُمْ(25)ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُمْ(26)

Aayadahan kor ku xusan ayaa cadaynaya in uusan rasuulku csw xukumi jirin dadka, wuxuuna Alle cj noogu sheegayaa aayadahan ka midka ah suuradda الغاشية in uu rasuulku yahay mid dadka wax u sheega oo waaniyo oo keliya ee uusan xaq u lahayn in uu arrimahooda gaarka fara gashado oo xukumo, hase yeeshee ruuxii diida rasuulka ee gaalooba Alle ayaa marinaya cadaab daran waayo annaga ayay noo soo laabanayaan xisaabkoodana annaga ayaa iska leh ayuu Alle lee yahay.

لَيْسَ لَكَ مِنَ الْأَمْرِ شَيْءٌ أَوْ يَتُوبَ عَلَيْهِمْ أَوْ يُعَذِّبَهُمْ فَإِنَّهُمْ ظَالِمُونَ(آل عمران 128).

Waxay aayadan kor ku qorani lee dahay adiga nebi Muxammadaw wax lagaa weydiin maayo oo shaqo kuma lihid mana odhan kartid waa daalimiin eh ha la cadaabo ama ha loo dembi dhaafo.

Sidaas darteed in dawlad ama qof laga amar qaato waa xaaraan maqdac ah qofkii sidaas ogolaadaana wuxuu noqonayaa qof meeshii Alle ay dawladdu ugu jirto oo iyada caabuda taasna Ilaah ayaanu ka magan gelaynay, waayo wax ka xun oo qof sameeyaa ma jirto waana shirki waxaana xaaraan ah in Ilaah mooyee cid kale loo noqdo daacad.

Ereyga dulmi الظلم waxaa lagu macneeyaa wax la dhigay meeshii uu lahaa meel aan ahayn, taas waxaa loola jeedaa in la dhigo Ilaahnimadii meel aan xaq u lahayn, taas oo ah shirkinimo. Marka waxaa muuqata in ay dawladdu shacabka ugu jirto meeshii Alle oo ay Ilaah matalayso wax alla wixii ay doonayaanna dawladda ayay ka sugayaan in ay siiso Allena wuxuu noo caddeeyey in isaga mooyee cid kale oo cid wax tari karta ama wax u dhimi kartaa jirin, sidaas darteed in dawlad iyo cid kale toona Alle mooyee daacad loo noqdaa waa xaaraan baadil ah oo ah shirki.

قَدْ كَانَتْ لَكُمْ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ فِي إِبْرَاهِيمَ وَالَّذِينَ مَعَهُ إِذْ قَالُوا لِقَوْمِهِمْ إِنَّا بُرَآءُ مِنْكُمْ وَمِمَّا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ كَفَرْنَا بِكُمْ وَبَدَا بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ الْعَدَاوَةُ وَالْبَغْضَاءُ أَبَدًا حَتَّى تُؤْمِنُوا بِاللَّهِ وَحْدَهُ إِلَّا قَوْلَ إِبْرَاهِيمَ لِأَبِيهِ لَأَسْتَغْفِرَنَّ لَكَ وَمَا أَمْلِكُ لَكَ مِنَ اللَّهِ مِنْ شَيْءٍ رَبَّنَا عَلَيْكَ تَوَكَّلْنَا وَإِلَيْكَ أَنَبْنَا وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ(الممتحنة 4).

Runtii ku dayasho wanaagsan ayaa idiinku sugan Ibraahiim iyo intii la jirtay markii ay ku dheheen dadkoodii annagu idin kulama jirno waxa aad Alle ka sokow caabudaysaan waanu idin ka diidnay waxaana maanta noo bilaabantay cadaawad iyo is nacayb noo dhexaysa ilaa aad Alle keligiis ama kelinimadiisa rumaysaan, markii laga reebo hadalkii uu Ibraahiim ku lahaa aabihiis ee ahaa in kasta oo aanan Alle agtiisa waxba kaaga goynin haddana waxaan kaaga baryayaa dembi dhaaf, Eebahayaw adiga ayaannu ku talo saaranay, kuuna soo laabanaynaa, aayahayagana adiga ayaa noo haya.

Runta Alle ayaa sheega.

 وَقُلِ الْحَقُّ مِنْ رَبِّكُمْ فَمَنْ شَاءَ فَلْيُؤْمِنْ وَمَنْ شَاءَ فَلْيَكْفُرْ إِنَّا أَعْتَدْنَا لِلظَّالِمِينَ نَارًا أَحَاطَ بِهِمْ سُرَادِقُهَا وَإِنْ يَسْتَغِيثُوا يُغَاثُوا بِمَاءٍ كَالْمُهْلِ يَشْوِي الْوُجُوهَ بِئْسَ الشَّرَابُ وَسَاءَتْ مُرْتَفَقًا(الكهف 29).

Runta Eebahaa sheeg markaas faraha ka qaad kii rabaa ha rumeeyo kii rabaana ha iska diido, waayo waxaanu daalimiinta ugu talo galnay cadaab uu derbigeeda ku wareegsani yahay holoc dab ah, haddii ay cabitaan u baahdaanna waxaa la siinayaa biyo malax iyo dhiig isku milan oo wejiga ka bisleeya maxaa ku cabitaan iyo hoy xumo ah.

Gle-Sare-Omer-Suleiman-AliOmer Suleiman Ali

25/01/14

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!