Ducaale oo dalbay in qaxootiga Soomaalida dalkooda dib loogu celiyo

by admin | Sunday, Apr 5, 2015

Nairobi: HN: – Hogaamiyaasha gobolka waqooyi barri ee wadanka Kenya ayaa dowlada Kenya ka codsaday iney dib u celiso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool waqooyi bari dalka Kenya, kadib weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen jaamacada magaalada gaarisa.

Aadan Barre Ducaale, hogaamiyaha aqlibiyada badan ee baarlammaanka Kenya, ayaa sheegay in xeryaha qaxootiga dalka Kenya ay noqdeen goob dhiig badan ku daatay kadib markii Alshabaab ay weeraro kala duwan ay ka geysteen waqooyi bari dalka Kenya.

“waxaan diyaar u nahay inaan badalno sharciga si loo fududeeyo dib u celinta qaxootiga si aan kaga caawino dowlada dagaalka ka dhanka ah argagixisada, hogaamiyaasha kasoo jeeda waqooyiga barri ee  Kenya waxay ka taageerayaan dowlada Kenya sidii kor loogu qaadi lahaa amaanka”ayuu yiri Ducaale.

Ururka Alshabaab ayaa khamiistii lasoo dhaafay weerar dad baan ay ku dhinteeb ka geystay jaamacada magaalada Gaarisa ee dalka Kenya oo ay kudhinteen inka badan 150 ruux.

Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in weerarada Alshabaab ay ka geysanayaan laga soo abaabulo xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

“Dadka weerarka geysta waxay adeegsadaan xeryaha qaxootiga si ay dhalinyarada u qortaan ayna usoo abaabulaan weeraro ka dhaca gobolka waqooyi bari dalka Kenya”ayuu hadalkiisa kusii daray Aadan Ducaale.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!