Dukaamo lagu iibiyo khamriga oo laga ogaaday in ay ka furan yihiin garoonka diyaaradaha Muqdisho

by admin | Tuesday, Oct 21, 2014

Muqdisho : HN :– Kaddib markii maalintii shalay dekeda weyn ee magaalada Muqdisho lagu qabtay konteenaro khamri ah, ayuu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir in ay ka war hayaan dukaamo lagu iibiyo khamriga oo sidda uu sheegay ka dhax furan gudaha garoonka diyaradaha Muqdisho.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in maandooriye lagu dhex iibiyo garoonka diyaaradaha, isla markaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cidii lagu hela.

“Waxaan ka war heynaa in garoonka diyaaradaha lagu iibiyo Qamri, waliba dukaamo ay ka furan yihiin, waxaan u sheegeynaa in aananAxmed_Cali_Dahir1-524x400 aqbali doonin oo aan tallaab adag ka qaadi doono cidii lagu helo”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay ku wargelin doonaan in aan lagu iibin karin garoonka aadan Cadde qamri, isla markaana dalka looga dhaqmo shareecada Islaamka.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa digniin u digay dadka ka ganacsada qamriga ee sida qarsoodiga dalka u soo geliyay, isagoo cadeeyay in dalka uu mamnuuc yahay qamriga, isla markaana shareecada Islaamka ay xaaraan-tinimeysay.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Booliska ay ku qabteen dekeda Muqdisho labo konteenar laga dejiyay Markab, kaasoo ay ka buuxeen qamri fara badan, waxaana qamriga lagu bur buriyay goob fagaare ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!