Duqa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose oo qarax lagu dilay

by Yahye | Monday, Jan 19, 2015

Muqdisho; HN;- Wararka ka imaanaya Afgooye ayaa sheegaya in Duqii degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Cali Caddow (Cali Jamiil) iyo labo qof oo kale lagu dilay qarax lala eegtay gaarigiisa.

Labo ka tirsan ilaaladiisa ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarka oo ka dhacay deegaanka Xaawo-Cabdi ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidi) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu qaraxa ka dhashay miino dhulka lagu aasay oo lala eegtay gaari Noah oo uu mas’uulku ku socday.

Qaraxa ayaa dhacay xilli duqa Afgooye uu galbinayay wasiirro ka tirsan maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed oo booqasho ku tagay degmada.

Siidi ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aaddan cidda ka dambeysa weerarka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu yaqaanaa in weerarrada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsato mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!