Duqa Muqdisho” wasiirrada la soo magacaabyo in waa in aysan isku koobin madaxtooyada

by admin | Sunday, Dec 28, 2014

Muqdisho : HN :–Xassan Max’ed Xusseen [Muungaab] guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo hadal ka jeediyay xaflad lagu taageerayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay Muqdisho ka dhacday ayaa wasiirrada xukuumadda lasoo dhisayo aysan degin madaxtooyada ee ay degaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ka dalbaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu soo dhiso wasiirro geesiyaal ah oo hoggaamin kara xukuumadda, kuwaasoo laga doonayo inay degaan xaafadaha kala duwan ee Muqdisho.

“Waxaa kaa codsanaynaa ra’iisul wasaaraha cusub in uu soo dhiso xukuumad wasiiradeeda yihiin geesiyaal oo aan madaxtooyada ciriiri ku gelin madaxweynaha, balse xaafadaha kala duwan ee Muqdisho dega,” ayuu duqu ku sheegay hadalkiisa.

Sidoo kale, Muun-gaab ayaa sheegay in dhawr jeer oo hore loogu baaqay wasiirradii hore inay kasoo guuraan madaxtooyada iyo hareeraheeda, balse aysan taasi dhicin, isaguna uu deggen yahay degmada Huriwaa oo ka mid ah kuwa gobolka Banaadir.

“Ra’iisul wasaare in badan waxaa loogu baaqay wasiirrada in magaalada ay soo degaan, laakiin looma billaabin; anigamuugab-kaa1 waa u bilaabay magaalada ayaan degenahay marka ha kasoo gudbaan jid-weynaha, caasimaddu waa nabad meeshii ay doonaan ayayna ka degi karaan, balse hadii hal meel ay isku koobaan, nabad-darrada ayay suurad u yeelaysaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Muungaab.

Duqa Muqdisho ayaa intaas ku daray in shacabka caasimadda oo matalaya Soomaali oo dhan ay soo dhaweynayaan ra’iisul wasaaraha cusub, ayna la shaqeynayaan isaga iyo xukuumaddiisa.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in dhawaan uu ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu xukuumad ka kooban 25 wasiir soo dhiso, sida uu horay u shaaciyay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!