Duqeyn lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab

by wadani | Sunday, Jul 16, 2017

Gedo : HN :-Degaanka Kabis oo ka tirsan Gobolka Gedo, ayaa lagu soo waramayaa in lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Ururka Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacday duqeyn diyaaradeed.

Duqaynta ayaa la sheegayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo Maamulka Gobolka Gedo uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa ay wateen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, inkastoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in Diyaaradahaasi duqeynta gaystay ay ahaayeen kuwa dalka Kenya laga leeyahay.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay warbaahinta ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad 40 ruux oo isugu jira Saraakiil iyo askar Shabaab ka tirsan.

 Wuxuu sheegay in la dilay saddex ruux oo ajaanib ah oo mid ka mid ah uu yahay Cadaan, halka labada kalena uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa Afrikaan Madow ah.

Ka sokoow sheegashada Maamulka Gobolka Gedo uu sheegaayo in la beegsaday goobtaasi ay ku shirayeen Saraakiisha Al Shabaab, waxaanan jirin ilo rasmi ah oo xaqiijinaysa Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Degaanka Kabis ayaa wuxuu ku dhaw yahay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, waana deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab.

Shabaab weli kama aysan hadlin duqeyntaan culus ee maanta lagula beegsaday degaanka Kabis ee Gobolka Gedo.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!