Duqeyn lagu dillay saraakiil ka tirsan Al-shabaab

by admin | Thursday, Jul 16, 2015

Baardheere : HN :–Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laba ka mid ah saraakiisha hogaanka lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday saaka duleedka Baar-dheere ee Gobolka Gedo.

Waxaa siddoo kale wararku intaa ku darrayaan in saddex sarkaal oo la socday gaadiidka la duqeeyay ayaan la ogeyn xalaadooda sida drone-280x175ay tahay, iyadoo duqeyntan ay imaanayso xilli howlgallo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay ka socdaan Gobolka Gedo.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay inay saaka aroortii maqleen Qaraxyo waaweyn, balse aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay, iyadoo sidoo kalena aysan dowladda Somalia iyo Mareyknaku aysan weli ka hadlin duqeyntan la sheegay in lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaan iyaduna weli ka hadlin duqeyntan la sheegay in lagu dilay saraakiil hoggaankooda ka tirsan, inkastoo aan weli si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas oo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka .

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!