Duqii hore ee Muqdisho oo sheegay in loo leysku hortaagay in uu u tartamo aqalka hoose

by wadani | Saturday, Nov 19, 2016

Muqdisho : HN :-Duqii hore ee Muqdisho,Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in loo diidey inuu u tartamo kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose.

Sida ku cad qoraal la soo dhigay barta uu Twitter-ka ku leeyahay,wuxuu sheegay in laga hor-istaagay inuu u tartamo kursiga Xildhibaannimo ee beeshiisa.

Waxaa uu ku sababeeyay in leyska hortaago in uu u loolamo kuriga beeshiisa, kaddib markii Ugaaska beesha uu lacag siiyay sidda uu hadalka u dhigay Xassan Sheekh Max’uud.

“Waxaa la ii diiday inaan u tartamo kursiga Xildhibaannimo si fudud ah, kaddib markii Ugaaska Beesheyda uu lacag fiican ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh”ayuu yiri Tarsan.

Wuxuu ka mid yahay Tarsan musharixinta ka qayb-galaya doorashada madaxweynaha ee dhawaan ka dhacaysa Muqdisho,wuxuuna horay uga dhawaaqay xisbi siyaasadeed uu doorashada ku matali doono.

tarsan-qeylo

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!