Duuliye Kenyaan ah oo la la la’yahay kaddib markii diyaaradii uu la socday ay dhacday

by admin | Tuesday, Dec 9, 2014

Major-Jonathan-Kingu-OtongoKenya : HN :—-Duuliyihii Kiinyaanka ee diyaaraddiisu ku burburtay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo Al-Shabaab ay ka taliso ayaa wali la la’ yahay, 96 saac kaddib shilka.

Walaac laga qabo duuliyaha ayaa waxaa sii xoojiyay kaddib markii la ogaaday in dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay gaareen goobta ay diyaaradda ku dhacday, iyagoo rajeynaya in ay gacanta ku dhigaan duuliyaha billadaha badan haysta, oo duqaymo dhowr ah horey uga fuliyay Soomaaliya.

Diyaaradda ayaa burburtay galabtii Khamiista. In kastoo ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaliya ay garanayaan goobta guud ee shilku ka dhacay, ayaa haddana wali la la’ yahay duuliya, oo la rumeysan yahay inuu ka booday diiyaaradda kaddib markii uu sameeyay wicitaanno quus ah.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya Colonel David Obonyo ayaa sheegay inay diyaaraddu dhacday kaddib markii ay soo wajaheen cillado farsamo.

“Labo diyaarad ayaa ka soo laabtay howlgal guuleystay oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahayd buundada Araare. Sida ay sheegayaan ilaheenna ku sugan Soomaaliya, dhowr ka tirsan maleeshiyada kooxda, oo ay ku jireen dagaalyahanno ajnabi ah, ayaa lagu dilay, kuwa kale oo badan-na waa la dhaawacay, qalabna waa lagu burburiyay duqaymaha ay diyaaradaha geysteen,” Col Obonyo ayaa sheegay.

Wuxuu sheegay in duuliyaha uu la soo xiriiray saaxiibbadiis, wax yar kaddibna diyaaraddu waxay ku burburtay dhulka ay Al-Shabaab ka taliso.

 

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!