Eebe kaligiis ayaa xalka iska leh; WQ. Omar Suleiaman

by Yahye | Saturday, Jul 14, 2012

Weligeedba ummadihii hore iyo kuwa hadda jiraba dhibaato aafaysaa kama dhammaato, xalkeedana dadku awood uma laha uu ku xalliyo dhibaatooyinka. Dhibaatada maxaa keenay oo sabab u ah? Wuxuu Alle dhahay وَمَا أَصَابَكُمْ يَوْمَ الْتَقَى الْجَمْعَانِ فَبِإِذْنِ اللَّهِ وَلِيَعْلَمَ الْمُؤْمِنِينَ(آل عمران 166) , haddii aan soo koobo macnaha aayaddo waa sidatan:  Wixii maalinkii ciidamadu foodda is dareen idin soo gaadhay haddii aad muslimiinta tihiin waxay idinku soo gaadhay idanka Alle si mu’miniinta looga qaado tijaabo. Aayaddan oo ka hadlaysa dhibaatadii msulimiinta uga dhacday dagaalkii Uxud ayuu Alle u sheegayaa in ay ahayd arrin aan iyagu wax ka qaban karin oo ka mid ahayd jaan gooyada Alle. Taas oo keenaysa in aanay is ciil kaambinin msulimiintu, mana aha in ruux iimaan lihi is ciil kaambiyo waayo wax waliba waxay ku dhacaan idanka Alle ee iskama dhacaan. Wuxuu Alle dagaalka noo caddeeyey in markii ay muslimiintu u dagaalamayeen Alle dartiis ay cadawgii jebiyeen, hase yeeshe isaga oo Alle ogaa in ay muslimiintu isugu jireen kuwo aakhiro doon ah iyo kuwo adduunyo doon ah ayuu markii ay kuwii adduunyo doonka ahaa jahaadkii ka bexeen ee ay caddaysteen in aanay u dagaalamayn Alle dartiis ayay jabeen dhibaato xoog lihina ku dhacday. Halkaas waxaa ka muuqata in markii Alledartiis wax loo sameeyo oo keliya uu Alle isaga ayaa guusha bixiya ee uu na siinayo guusha. Kolba arrin ayaa loo hawlaha loo qabanayaa ee maxaa ka fiicnaan kara in Alle dartiis wax kasta loo sameeyo.

Wuxuu kale oo Alle aayad kale noogu sheegayaa مَا أَصَابَكَ مِنْ حَسَنَةٍ فَمِنَ اللَّهِ وَمَا أَصَابَكَ مِنْ سَيِّئَةٍ فَمِنْ نَفْسِكَ وَأَرْسَلْنَاكَ لِلنَّاسِ رَسُولًا وَكَفَى بِاللَّهِ شَهِيدًا(النساء 79) . Aayaddanna wuxuu macnaheedu noqonayaa sidatan: wixii wanaag ah ee aad hesho Alle ayaa kuu gartay oo ku siiyey wixii dhibaato kugu dhacdana adiga ayaa shaqaystay oo gacamahaaga ku goostay, in aannu dadka rasuul ahaan kuugu soo dirnay Alle ayaa marag kaaga ah kaana deeqa. Halkaasna waxaa ka muuqata in dhibaatadu ka dhalato xumaanta uu qofku ama dadku sameeyo. Haddaba markii dhibaato dhacdo yaan lagu eedayn cid aan shaqo ku lahayn oo ku siman sabab keliya ee waa in la garto in ay ka dhalatay xumaan iyo caasinimo Alle lagula kacay, daawadeeduna markaas waa iyada oo la toobad keeno. Midda kale waxaa aayaddan laga garan karaa in uusan qofna camalkiisa ku gaadhin wax khayr ah ee qofkii Alle u garto oo kelihi helo. Aayadda inteeda kale waxaa ka muuqata in camalkii wanaagsanaa uusan kaa lumayn oo Alle og yahay. Marka haddii ay dhibaato kugu dhacdo waa madhaxii dembigii aad gashay ee toobadda u degdeg si kale lagaagama qaadayo eh, camal wanaagsan oo Alle dartiisa ahna samee, markaas ayaad ka rajo qabaysaa in Alle kaa qaado, cid kale oo aad ciirsato oo kaa qaadaysaana ma jirto.

5041 حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ نُمَيْرٍ حَدَّثَنَا أَبِي حَدَّثَنَا الْأَعْمَشُ عَنْ أَبِي صَالِحٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَارِبُوا وَسَدِّدُوا وَاعْلَمُوا أَنَّهُ لَنْ يَنْجُوَ أَحَدٌ مِنْكُمْ بِعَمَلِهِ قَالُوا يَا رَسُولَ اللَّهِ وَلَا أَنْتَ قَالَ وَلَا أَنَا إِلَّا أَنْ يَتَغَمَّدَنِيَ اللَّهُ بِرَحْمَةٍ مِنْهُ وَفَضْلٍ و حَدَّثَنَا ابْنُ نُمَيْرٍ حَدَّثَنَا أَبِي حَدَّثَنَا الْأَعْمَشُ عَنْ أَبِي سُفْيَانَ عَنْ جَابِرٍ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مِثْلَهُ حَدَّثَنَا إِسْحَقُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ حَدَّثَنَا جَرِيرٌ عَنِ الْأَعْمَشِ بِالْإِسْنَادَيْنِ جَمِيعًا كَرِوَايَةِ ابْنِ نُمَيْرٍ حَدَّثَنَا أَبُو بَكْرِ بْنُ أَبِي شَيْبَةَ وَأَبُو كُرَيْبٍ قَالَا حَدَّثَنَا أَبُو مُعَاوِيَةَ عَنِ الْأَعْمَشِ عَنْ أَبِي صَالِحٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِمِثْلِهِ وَزَادَ وَأَبْشِرُوا )المسلم 5041).

Sidaas oo kale waxaa xadiiskan uu Muslim weriyey ka muuqata in uu rasuulku scw sheegay in uusan ruuxna jannada ku gelayn camalkiisa ee uu ku gelayo naxariista Alle. Marka qofku waa in uu camalka u sameeyaa in uu ku gaadho naxariista Alle, markii uu gaadhana wuxuu Alle ku abaal marinayaa jannada. Sidaas oo kale ayaa wax kasta loo doonayaa in loo sameeyo in lagu gaadho raallinimada Alle si uu noogu naxariisto, markii la gaadho ayuu Allena qofkii wanaagii uu doonayey siinayaa.

Haddii aan soo qaadanana aayaddan kale وَمَا أَصَابَكُمْ مِنْ مُصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَنْ كَثِيرٍ(الشورى 30), macnaheeda oo koobanina waa sidatan: wixii dhibaato ah ee idinku dhaca idinka ayaa gacmihiina ku shaqaystay sidaas oo ay tahay Alle in badan oo kale ayuu idinka cafiyey oo uusan idiin ciqaabin. Waxaa aayaddanna laga dheehanayaa in ciqaabka iyo cadaabku uu ka tolmayo waxyaabaha xun-xun ee dadku sameeyo, kama mid aha sunnada Alle in qof wanaagsan oo wax u sameeya Alle dartiis la cadaabo. Saddexdan aayadood iyo kuwo kale oo fara badan oo kale waxaa Alle cwj si buuxda noo dareen siinayaa in wixii dhibaato ah ee qof ama dad ku dhacda ay tahay natiijadii ama cadaabkii ka tolmay  xumaan ay sameeyeen, daawadeeduna waa toobad keliya.

XALKA DHIBAATADA SOOMAALIYEED.

Markii la garto meesha dhibaatadu ka timid ayaa xalkeeda la helaa, sidaas darteed xilka ugu horreeya ee na saarani waa in la helo meesha dhibaatadu nooga timid. Haddii aad dadka weydiiso isirika dhibaatada Soomaaliya ninba wax ayuu kuu sheegayaa, qaar waxay lee yihiin qabyaaladda, qaar kale waxay lee yihiin caddaalo darada, kuwo kale waxay aaminsan yihiin hogaamiye xumada, sidaa ayaa qofba meel ugu dhufanayaa.

Anigu waxaan lee yahay intaas midna ma aha iyaga laftooda ayaa ka mid ah ah dhibaatooyinka jira ee loo baahan yahay in xal loo helo. In qabiil la isu laayaa ama la isk qabyaaladeeyo waa dhibaato xal u baahan, cadaalo darradu waa dhibaato, hogaan xumadu waa dhibaato waxayna ka wada mid yihiin dhibaatada Soomaaliya haysata, marka waa maxay isirka dhaliya dhibaatada? Waxaan anigu u arkaa in ay tahay ku dhaqan la’aanta diinteenna xumo diidka ah, wax kasta oo dhibaato ahina meel kale kama imaan ee waxay ka timid Alle oo dhabarka loo jeediyey, sida ku cad aayadaha aan kor uga soo hadlay. Daawaduna waa hal keliya oo mid labaysaa jirin taas oo ah in Alle la qaabilo oo xaggiisa loo wada jeesto. Dadka aaminsan in Beesha Caalamka, UN, Maraykanku iyo dawladda Shariif ay xal keeni karaan in ay wax sii murjiyaan oo cadho Alle sii kordhiyaan mooyee xal ma keeni karaan.

Waxaa la wada ogsoon yahay in aanay dhibaatadu cidna u gaar ahayn ee ay dalka Soomaaliya oo dhan goboladiisa ay ku wada dhacday. Haddii aan idin xasuusiyo ciidamadii dawladdii Moxamad Siyaad Barre waxay xasuuq u geysteen qabaa’ilka Isaaqa la baxay iyo Majeerteen waxayna u qaxeen Itoobiya. Hawiyaha iyaga ayaa Alle isku markii hore ka dibna wuxuu Alle saliday ciidamada ajnebiga ah ee kala UNISOM, AMISOM iyo Shabaabta oo u geystey xasuuq ba’an ilaa haddana socdo. Waxaas oo dhibaato ah ee nagu dhacay welina na haystaa waa cadaab ka dhashay fal xumadii aynu samaynnay illaa la toobad keenana Alle ma qaadayo isaga mooyee cid kale oo qaadaysa ma jirto. Innaga oo laga yaabo in aynu taas og nahay haddana uma jeedno ee waxaynu ka daba ordaynaa shaydaankii uu Alle noo sheegay in uu madax u yahay gaalada.

Bal walaalayaal u fiirsada macnaha aayaddan hoos ku xusan oo si cad Alle noogu xog warramayo, waana xaq aan shaki ku jirin, waayo Alle mooyee cid kale oo run sheegtaa ma jirto.

مَا أَصَابَ مِنْ مُصِيبَةٍ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي أَنْفُسِكُمْ إِلَّا فِي كِتَابٍ مِنْ قَبْلِ أَنْ نَبْرَأَهَا إِنَّ ذَلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ(الحجديد 22).

Haddii aan si kooban u macneeyo waxay aayaddu noo sheegaysaa:

Dhulka oogadiisa iyo idinka naftiinna toona dhibaato aan horay loo sii jaan goynini kama dhacdo, arrintaasina Alle waxba kuma aha. Marka waa ay caddahay in xasuuqii loo geystay gobolada waqooyi, kuwii loo geystey gobolada Bari iyo kuwa hadda ka socda koonfur dhammaan waxay ku dhaceen idanka Alle.

QADARKA AMA JAAN GOOYADA ALLE.

Waxaa la moodaa in uusan  dadku garan sida jaan gooyada Alle u shaqayso, sidaas darteed waxaan doonayaa in aan wax yar ka taabto. Jaan gooyada Alle wax kale ma aha ee waa waxyaabaha adduunka ka jiro oo dhan ee xaqa ah. Matal wuxuu Alle jaan gooyey in qorraxdu bari ka soo baxdo, galbeed ama bogoxna u dhacdo, si taasi u dhacdo wuxuu dhulku isugu wareegaa lidka saacadda, qorraxduna waa ay taagan tahay. Maalinka qiyaame ayay ka soo baxaysaa bogox waxay taasi u dhici kartaa in uu dhulka marka hore joogsado ka dibna uu bilaabo in uu u wareega dhanka saacadda.

Haddii aan u soo laabto arrinka aan ka hadlayey ee ku saabsan dhibaatooyinka waxaa jira xadiis ka sugnaaday rasuulka scw oo ah kan hoos ku xusan ee uu qoray Tarmadii

حَدَّثَنَا مَحْمُودُ بْنُ خَالِدٍ الدِّمَشْقِيُّ حَدَّثَنَا سُلَيْمَانُ بْنُ عَبْدِ الرَّحْمَنِ أَبُو أَيُّوبَ عَنِ ابْنِ أَبِي مَالِكٍ عَنْ أَبِيهِ عَنْ عَطَاءِ بْنِ أَبِي رَبَاحٍ عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ قَالَ أَقْبَلَ عَلَيْنَا رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ يَا مَعْشَرَ الْمُهَاجِرِينَ خَمْسٌ إِذَا ابْتُلِيتُمْ بِهِنَّ وَأَعُوذُ بِاللَّهِ أَنْ تُدْرِكُوهُنَّ لَمْ تَظْهَرِ الْفَاحِشَةُ فِي قَوْمٍ قَطُّ حَتَّى يُعْلِنُوا بِهَا إِلَّا فَشَا فِيهِمُ الطَّاعُونُ وَالْأَوْجَاعُ الَّتِي لَمْ تَكُنْ مَضَتْ فِي أَسْلَافِهِمِ الَّذِينَ مَضَوْا وَلَمْ يَنْقُصُوا الْمِكْيَالَ وَالْمِيزَانَ إِلَّا أُخِذُوا بِالسِّنِينَ وَشِدَّةِ الْمَئُونَةِ وَجَوْرِ السُّلْطَانِ عَلَيْهِمْ وَلَمْ يَمْنَعُوا زَكَاةَ أَمْوَالِهِمْ إِلَّا مُنِعُوا الْقَطْرَ مِنَ السَّمَاءِ وَلَوْلَا الْبَهَائِمُ لَمْ يُمْطَرُوا وَلَمْ يَنْقُضُوا عَهْدَ اللَّهِ وَعَهْدَ رَسُولِهِ إِلَّا سَلَّطَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ عَدُوًّا مِنْ غَيْرِهِمْ فَأَخَذُوا بَعْضَ مَا فِي أَيْدِيهِمْ وَمَا لَمْ تَحْكُمْ أَئِمَّتُهُمْ بِكِتَابِ اللَّهِ وَيَتَخَيَّرُوا مِمَّا أَنْزَلَ اللَّهُ إِلَّا جَعَلَ اللَّهُ بَأْسَهُمْ بَيْنَهُمْ (الترمدي).

Xadiiskani wuxuu noo sheegayaa in haddii ummad ay ku dhex faafto sino waxaa ku dhex faafaya cudur xun xun oo dabar gooya, kuwii miisaanka iyo beegga gaarsira wuxuu Alle ku ridaa abaaro iyo ooda luuf-luuf iyo madax arxan laawe yaal ah, kuwii diida in ay xoolahdooda ka bixiyaan sekana wuxuu Alle u diidaa in bar roob ahi uga soo dhacdo cirka, kuwii jebiya heshiiskii Alle iyo heshiiska rasuulkana wuxuu ku salida cadaw iyaga aan ahayn oo gaalo ah, kuwii aanay madaxdoodu ku xukumin ktaabka Allena iyaga ayuu isku salidaa oo is dhameeya. Sidaas oo kale ayaa dembi waliba u lee yahay ciqaab u gaar ah.

Waxa maanta Soomaalida haystaana wax kale ma aha ee waa dembiyadii ay galeen cadaabkii ka dhashay, ilaa iyo haddana xumaantii kama joogsanayaan ee way sii wadaan, marka Alle oo u sii cadhooda mooyee wax kale oo ay sugayaan ma jirto, waana sida waafaqsan sunnada Alle uu ku soo dhaqay ummadihii hore. Waxaana hubaa in haddii aan la toobad keenin ay Soomaalidu ka baxayaan meeshii ay ka baxeen kuwii asaagooda ahaa ee horay u tegey.

Waxa hadal iyo wacdi igu duugan ee uu qalbigu i lee yahay kanna dheh kanna ha ka tegin ee sheeg lama tirin karo, hase yeeshee waxaa iga gunaanad ah.

GUNAANAD.

Haddii aanay ummaddu u dareerin Alle ayna cadaabkiisa isaga ka hoos gelin, kana sii daba nash lee yaaan gaalada Alle noogu sheegay Quraanka in aanay doonayn in aynu wax khayr ah Alle ka helno, waxaynu noqonaynaa kuwii uu Alle dhahay وَنُقَلِّبُ أَفْئِدَتَهُمْ وَأَبْصَارَهُمْ كَمَا لَمْ يُؤْمِنُوا بِهِ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَنَذَرُهُمْ فِي طُغْيَانِهِمْ يَعْمَهُونَ(110). Inta aannu qalbigooda iyo indhahooda ka sii jeedinno xaqa ayay sidii ay markii hore u rumayn waayeen oo kale haddana u ramaynayn markaas ayaanu xad gudubkoodii u dhaafaynaa si ay indho la’aan ugu sii socdaan .  اللَّهُ يَسْتَهْزِئُ بِهِمْ وَيَمُدُّهُمْ فِي طُغْيَانِهِمْ يَعْمَهُونَ(15). Iyaga ayuu Alle xistinayaa isaga oo baadnimadooda u dhaafay sidii ay wax indha la’ oo kale ugu sii socdaan.  Waxaa la moodaa in Soomalida Alle ka indho saabay xaqii culumo iyo caamaba waayo culumadii mawqif cad kama istaagaan fitnada socota.

Markii uu dadku joogteeyo kana mintido cibaadada Alle ayuu Alle xalka dhibaato kasta oo saamaysa ummad uu ka qaadayaa.

Sidaas darteed inta aad UN, Beesha Caalamka, AU, IGAD iyo shayaadiinta kale isu dhul dhigaysaan Alle Eebihiin isu dhul dhiga isaga ayaa xalka ummaddu gacantiisa ku jiraa eh.

Ruuxii aamina in cid aan Alle ahayni keeni karto xal waa ruux mush

 

OMER SULEIMAN ALI                                                                                                                                             10/07/12

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!