Eedeysane qirtay in uu isaga gacantiisa ku dillay guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan

by Somali | Thursday, Dec 13, 2012 | 31 views

Baladweyne : HN :   Mukhtaar Max’ed Xassan ayaa saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan hortooda ka qiray in uu gacantiisa ku toogtay Alle ha u naxatiirtee guddoomiyihiin gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan Nabadoon Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade.

Waxaa uu sheegay gacan ku dhiiglaha in uu maalmo kooban joogay magaalada Baladweyne loona soo dirray in uu dillo guddoomiyaha, waxaana uu intaa raaciyay in rag ka tirsan Al-shabaab ay ka soo dirreen degmada Buula-burte ee gobollka Hiiraan.

‘’Anniga ayaa gacanteyda ku toogtay, labo xabadood ayaa ku dhuftay, aqoon uma laheyn anniga nabadoon-ka, laakii qof howsha ila waday ayaa kor iga tusay markii aan dillayay,’’ ayuu yiri,’’ Mukhtaar oo warbaahinta kula hadllayay gudaha saldhiga baliiska.

27 bishii November ee ina dhaaftay ayeey aheyd markii bartamaha magaalada Baladweyne lagu toogtay guddoomiyihiin gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan oo xilkaa loo dhiibay maalin uun ka hor dilkiisa.

Taliyaha qeybta baliiska magaalada Baladweyne Col Isaaq Cali C/dulle ayaa sheegay in mudo dheer ay baaritaan ku howlanaayeen, islamarkaana ay gacanta ku hayaan dad kale oo la shaqeynayay danbiilaha.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!