Ereyga MIDNIMO Soomaaliya waa u nolol, Somaliland-na waa u dhimasho!!

by Yahye | Saturday, May 4, 2013

no.laba_calanEreyga MIDNIMO oo ah mid macno aad u ballaaran ka tarjumaya, waxa uu ka mid yahay kalmadaha ugu qiimaha, sharafta iyo muhiimadda badan afka Soomaaliyeed, iyadoo ereygaasi uu tilmaamayo wadajirka iyo quwadda ummadda Soomaaliyeed ee ku nool inta u dhaxeysa Raaskambooni ilaa iyo Raas Caseyr ilaa iyo dhinaca kale Lowya Cadde oo ah cirifka ugu dambeeya ee dhul weynaha Soomaaliyeed ee dhaca geesta bari ee Afrika.

Taariikh ahaan ereygani la yiraahdo MIDNIMO waxaa si baahdan loo bartay xilligii uu socday gobanimadoonka Soomaaliyeed, waxaana dhaqan galkiisa uu soo bilowday sanadkii 1960-kii markaasi oo ay si shuruud la’aan ah isugu darsameen labadii dhinac ee Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, kuwaa oo wakhtigaa ku dhawaaqay inay u midoobeen dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya oo iyadu ka soo jeeda dhiigga, dhalashada iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed ee aanay jirin wax kala qeybsha.

Laga soo bilaabo Lixdameeyadii ilaa iyo sagaashameeyadii waxay shacbiga Soomaaliyeed si macaan badan ugu wada caana maalayeen faa’iidada ay leedahay midnimada, waxaana mudadaasi ku dhow sodomeeyada sano midnimadii jirtay lagu gaaray horumar aan abid horay loo gaarin, waxaana lagu guuleystay ballaarinta hay’adihii qaranka iyo kaabayaashii dalka, iyadoo la hormariyay isu socodka iyo is dhex galka bulshada isla markaana waxaa sare loo qaaday dhinacyada nabadgelyada, waxbarashada, caafimaadka, dhismaha iyo ballaarinta gobolada dalka, waxaana lagu dhawaaqay ilaa iyo toban gobol oo cusub oo ay ka mid yihiin: gobolada Awdal, Sool, Sanaag, Nugaal, Galgaduud, Sh/dhexe, Sh/hoose, Gedo, Bakool iyo J/dhexe, kuwaasi oo ku yimid midnimadii ka dhaxeysay shacbiga Soomaaliyeed.

Nasiib darro midnimadii qiimaha iyo qaayaha badneyd waxaa lagu dhaawacay shirkii magaalada BURCO ee 18-kii May 1991-kii, waxaana halkaasi ka soo baxay go’aan u cuntami waayay ummadda Soomaaliyeed, kaasi oo sheegayay in midnimadii Soomaaliyeed la kala jaray, iyadoo si laab la kac ah la isaga dhawaaqay ummaddii Soomaaliyeed ee midnimada ka dhaxeysay in loo kala gooyay, lagana kala dhigay Soomaaliya iyo Somaliland.

22-sano ayay mareysaa inta ay kala dhantaalan tahay midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, waxaase in la xuso mudan mudadaasi inaan wax horukac ah lagu gaarin kala qeybintii la sheegay in lagu sameeyay Soomaaliweyn haday tahay dhinaca siyaasadeed ama dhinac degaameed, waxaana in hoosta laga xariiqo mudan in walaalaheena reer Waqooyiga ee magaalooyinka BURCO iyo HARGEYSA ee walli  ku qeylinaya kala go’a inaan wax macaash ah ka helin arrintaasi haday ahaan lahayd in la ictiraafo ama in si gooni ah loola macaamilo.

Ammaan iyo bogaadin waxaa mudan beesha caalamka oo iyadu weli aqoonsan inay Soomaaliya mid tahay, waxaana adduunku uu ku mahadsan yahay sida uu ilaa iyo haatan uu u ilaalinayo midnimada Soomaaliya, ha yeeshee waxaa ayaan darro ah in Soomaalida ku dhaqan gobolada Somaliland inay weli garan la’yihiin inaanay Soomaaliya kala go’i karin maadaama ay tahay hal qoys oo aan kala maarmin.

Shalay (1960–1990-kii) ereyga MIDNIMO isku si ayaa Soomaaliya dhexdeeda looga arkayay balse maanta arrintu sidaasi ma aha, waxaana xaqiiqo ah haddii inta badan ay ummadda Soomaaliyeed ku farxeyso jiritaanka midnimada inay dhanka kalena jiraan dad Soomaaliyeed oo necbeysanaya magaca MIDNIMO Soomaaliyeed, kuwaasi oo rumeysan fikrado iyaga u gaar ah iyo waxa lagu sheego goosasho, taa oo ah mid aan Soomaaliya iyo dunidaba ka socaneynin.

Waa waajib dastuuri ah in la ilaaliyo midnimada dhexdeena balse waxaa nasiib darro ah in dadka qaarkii ay dhimasho uga dhigan tahay haddii lagu soo hadal qaado ereyga MIDNIMO, tusaale ahaan Guddoomiyaha UCID Feysal Cali Waraabe oo dhowaan ka hadlayay magaalada Boorama waxa uu ku xiiqay dagaal dhinaca afka ah oo uu ku soo qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo sababta uu Feysal u maagayo Madaxweynaha ay tahay hadal uu Prof. Xasan Sheekh ka sheegay magaalada Garowe oo ku aadaneyd inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka go’an tahay dhowridda midnimada Soomaaliya.

Kala maanka ka dhex jira Soomaalida Koonfureed iyo mida Waqooyi ayaa waxaa isweydiin mudan ma sii socon doonaa mise waa laga bogsan doonaa, lama sii saadaalin karo arrimahaan is barabar ordaya halka ay ku biyo shuban doonaan, balse marka la qiimeeyo marxalada la marayo iyo sida uu adduunku wax u doonayo waxay arrimuhu u eg yihiin in labada dhinac ee Soomaaliya MIDNIMO ay isugu imaan doonaan, bacdamaa ay horayba mid u ahaayeen.

Dunta isku xireysa shacbiga Soomaaliyeed waa midnimadooda, mana filayo wixii midnimo lagu waayo in goosasho lagu helayo, sidaasi daraadeed fad ama ha fadin runta kama biya kama dhibcaanku waxay ku qotontaa in Soomaaliya dib u midoobi doonto, waxaana ku wanaagsan shacbiga iyo siyaasiyiinta walaalaheena Somaliland inay ka caafimaadaan nacaybka  ay muujinayaan marka ay maqlaan MIDNIMO Soomaaliyeed, taasi oo u muuqata inay uga dhigan tahay DHIMASHADOODA oo kale, halka ay Koonfurtana uga dhigan tahay NOLOL Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray:-
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
Email: jabriil37@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!