Ergada ku shirsan Baydhabo oo ansixinaya dastuurka maamulka Koonfur galbeed

by admin | Tuesday, Nov 4, 2014

Baydhabo : HN :– Ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka dhismaha maamulka saddexda gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay ka doodaan kaddibna ansixiyaan dastuurka uu yeellanayo mamaulka.

Ergooyinka ayaa maalmihii u dambeeyay ka doodayay diyaarinta dastuurka iyo sidii ergooyinka uga soo tala bixin lahaayeen qodobada dastuurka uu yeelanayo Maamulkaas.

Gudoomiyaha Gudiga shirka ayaa sheegay in aanay dheg jalaq u siin doonin go’aanka Xukuumada ee ahaa in shirka la hakiyo, islabay markaana aan wax tallaabo ah la qaadin.

Shalay ayay aheyd markii la dhameeyay aqrintii u dambeysay ee dastuurka uu yeelanayo maamulka iyo tala ka bixinta xubnaha ergada, waxaana maanta ergada ay u balansan yihiin inay ansixiyaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa aqbalay go’aan ka soo baxay Xukuumada oo ahaa in Gudiga farsamada wadatashi loogu yeeray Muqdisho iyo in aan wax go’aan ah la gaarin, si xal waara looga gaaro, dhinacyada ka maqan la keeno.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira shaki laga qabo in maalmaha soo socda ay Ergada doortaan Madaxweynaha Maamulkaas, waxaana xubnaha loo saadaalinayo ka mid ah Shariif Xasan oo taageero ballaaran ka heysta inta badan ergada shirka iyo Gudiga farsamada.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!