Ergada shirka Baydhabo oo maalinta Khamiista ah madaxweyne dooraneysa

by admin | Tuesday, Nov 11, 2014

 

Baydhabo:HN:–Ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka dhismaha maamulka saddexda gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa lagu waddaa in maalinta Khamiista ah doortaan madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Guddiga doorashada shirka ayaa sheegay in 13-bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ah shirku dooran doono madaxweynaha maamulka K-galbeed Soomaaliya oo ka kooban gobollada Bakool, Bay, iyo Shabeellaha hoose.

Gudiga Farsamada Maamulka koofur galbeed ayaa sheegay in ergooyinka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan masiirkooda, isla markaana wixii hada ka dambeeya ay shirka ku wareejiyeen ergada.

Qaar ka mid ah ergooyinka ayaa sheegay in shirkooda sii soconayo oo aanay u hakin doonin go’aanka Madaxda dowladda, waxaana ay sheegeen in maalinta khamiista ay dooranayaan Madaxweyne.

Gudiga doorashada ayaa maanta bilaabanaya qabashada araajida musharixiinta u taagan doorashada, waxaana jira shuruudo la xiriiraShirka_Baydhabo_ee_dhismaha_Maamulka_3_Gobol dadka isku soo sharaxaya doorashada.

Shirka Maamul u sameynta Koofur galbeed ee saddexda gobol ayaa waxaa bishii hore ka furay magaalada Baydhabo Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ergada shirka ay dhowaan ansixiyeen dastuurka uu yeelanayo maamulka iyo magaala madaxda maamulka koofur galbeed oo ah magaalada Baraawe.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii qoraal wadda jir ay u soo saareen saddexda mas’uul ee ugu sareysa dalka ku amreen guddiga farsamad shirka dhismaha maamulka saddexda gobol in la joojiyo shirka ilaa mudo labo todobaad ah.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!