Qaar ka mid ah ergada shirka dhismaha maamulka gobolada dhexe oo si hor dhac ah loo xareeyay

by admin | Saturday, May 2, 2015

Cadaado : HN :– Inkastoo wali ay jiraan cabasho iyo dhaliilo loo jeedinayo guddiga farsamada shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe, ayaa dhinaca kale wararka halkaa naga soo gaaraya waxaa ay sheegayaan in la xareeyay ergadii ugu horeeysay ee loogu talagalay in soo doortaan madaxweynaha maamulka ka dhismaya gobollada Galguduud iyo Mudug.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee maamulka u sameynta Gobollada Dhexe Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in ilaa 24 ergo oo ah qeybtii u horeysay ay xareeyeen, waxaana ay xustay in labada maalmood ee soo socota ay ergooyinka kale la soo dhameystiri doono.

Xubnaha ergada loogu talagalay in ay qeyb-gallaan shirka ayaa gaari doona 350 ergo, waxaana beelaha ay u qeybsan doonaan deegaanmi, waxaana Guddigu uu sheegay inuu xaqiijin doono dhameytirka ergooyinka iyo sidii cadaalad loogu soo xuli lahaa.

Inkastoo shirka maamul u sameynta uu qorshihiisa ahaa 45 cisho, hadana waxaa Cadaado ka jira gaabis badan oo ku saabsan murano ku aadan hab sami u socodka shirka iyo mas’uuliyiinta qaar oo shaki ka qaba fara gelin hoose oo ay sheegeen in dowladdu wado, isla markaana ku taageereyso hal musharax.

Si kastaba ha ahaatee dhowaan ayaa la filayaa in ergooyinka ay doortaan Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe, iyadoo musharaxiinta ku loolamaya xilkaas ay tartan ugu jiraan kasbashada ergooyinkii dooran lahaa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!