Ergeyga QM iyo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo Jowhar ku kulmay

by wadani | Sunday, Nov 20, 2016

Jowhar : HN :-  Danjiraha QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle, Guddiga doorashooyinka heer gobol iyo Ururada Haweenka.

Micheal Keating ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo hirgelin lahaa shuruucdii doorashooyinka ee ay horay u gaareen Madaxda Madasha Wada-tashiga qaran.

Sidoo kale Micheal Keating ayaa ugu baaqay madaxweynaha Hirshabeelle in la dar dar geliyo doorashada Aqalka Hoose, isla markaana la xaqiijiyo qoondada Haweenka 30%  ee kuraasta Baarlamaanka.

Micheal Keating ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo Ergeyga Qaramada Midoobey uu la kulmay Guddiga doorashooyinka heer gobol, isagoo kala hadlay shaqaaqadii dhowaan dhacday, isagoo xusay in muhiim tahay in la adkeeyo nabadgelyada halka ay dhaceyso doorashada.

Ugu danbeyntii, waxaa isla maanta gaaray magaalada Jowhar wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal Avv, Cumar Dhagey oo ay wehliyeen Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!