Ergo xalay lagu weeraray magaalada Garoowe

by wadani | Saturday, Nov 5, 2016

Garoowe : HN :-Rag hubeysan hubeysan ayaa xalay weeraray hotelada ay degan yihiin Ergooyinka ku sugan magaalada Garowe, kuwaasoo dooranaya Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Weerarka ayaa lagu waramayaa in uu salka ku hayo cabasho mid ka mid ah beelaha dega Puntland ka keeneen qaabka loo xulay ergooyinka doorashada Aqalka hoose.

Saraakiisha ammaanka ayaa wali ka hadlin weerarkan, waxaana Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne uu sheegay inay socdaan baaritaano la xiriira weerarka.

Ammaanka magaalada Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana markii xalay la maqlay rasaasta ciidamo badan lagu soo daadiyay waddooyinka, kuwaasoo sugayay ammaanka.

Lama oga saameynta ay ku yeelan doonto weerarkii xalay lagu qaaday ergooyinka doorashada lagu wado inay maanta ka dhacdo magaalada Garowe.

Ugu danbeyntii, khilaafka ku aadan hanaanka doorashada iyo habka loo xulayo ergooyinka ayaa ka taagan deegaanada qaar, waxaana dhowaan Baydhabo ka dhacay is rasaaseyn dhex martay Musharaxiin u tartamaya Xildhibaanada Aqalka hoose iyo dhacdo kale oo shalay mid ka mid ah ergooyinka uu toorey ku dilay mid kale oo ergada ka mid ahaa magaalada Kismaayo.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!