Ethiopia iyo Kenya oo iska kaashanaya dagaalka Al-shabaab

by admin | Sunday, Apr 19, 2015

Addis Abebba: HN:- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyati oo safar ku tagay dalka Eyhiopia ayaa la kumay mas’uuliyiinta ugu sareysa dalkaasi, wuxuuna kala hadlay howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya iyo waliba sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka Al-shabaab oo weeraro dhowr ah ka geystay dalka Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in madaxdii ay wada kulmeen isku afgarteen in meel looga soo wada jeesto ururka Al-shabaab iyo waliba in laga hortago weerarada ay qorsheynayaan inay ka geystaan dalalka Ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya oo ay Kenya qeyb ka tahay.

Madaxweynaha dalka Kenya iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa la sheegay in Ethiopia ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada gaar ahaan ra’iisal wasaaraha Hailamariam Deselegn,waxayna isla meel dhigeen si wada jir ah isha loogu hayo amaanka la wada dal oobartilmaameed ay ka dhigan karaan Al-shabaab.

Labada Dowladood ayaa Ciidamo waxay ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo caawinaya Dowlada Federaalka Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta ururka Al-shabaab.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!