Ex xaruntii hore ee baarlamaanka oo loo badalayo goob loo soo dalxiis tago

by wadani | Friday, Dec 11, 2015

Muqdisho : HN :– Milkiilaha Universal Tv Eng Axmed Abuukar ayaa lagu waraajiyay dhismihii hore ee Ex Baarlaman, kaddib markii maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xassan Jimcaale ku wareejiyay dib-u-dhiska xarunta Tv-Universal.

Eng Axmed ayaa sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay in  xaruntan lagu soo wareejiyo, isla markaana ay ka dhigi doonaan goob loo soo dalxiis tago.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in xarunta Ex Baarlamaan ay noqon doonto meel loo soo dalxiis tago, isagoo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu ku wareejiyo Madaxda Telefishinka Universal.

jardiino-1“Waxay noo tahay farxad anigoo dareenkeyga aanan cabiri karin maxaa yeelay Ex baarlamaan shalay sidee aheyd aan ognahay, maanta sida ay dhanato iyo berri ay rajeyneyno inay noqoto meel loo dalxiis tagi doono, cida suura geli laheyd garabkeyga ay taagan tahay, telefishinka Universal iyo kooxdiisa waxaa ka codsaday Ex baarlamaan maadaama meel taariikhi ay tahay daljirka dahsoon dadka u soo dalxiis tagayaan ku dhow tahay, inay noqoto meel loo soo daxiis tago ardayda soomaaliyeed wax ku akhristaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Ganacsato Soomaaliyeed ku wareejiyay jardiinada ku yaala magaalada iyo goobo kale, kuwaasoo laga dhigay meelo loo soo dalxiis tago, inkastoo wareejintaas dhaliilo loogu soo jeediyay.

Hase ahaatee tallaabadan uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ugu wareejiyay Madaxda Telefishinka Universal xarunta Ex Baarlamaan ayaa la ogeyn inuu qeyla dhaan ka imaan doono iyo in kale, lamana oga inuu arrintan fasax kaga qaatay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka.

Lama soo bandhigin cadeymo ama heshiis muujinaya Gobolka iyo Maamulka Telefishinka Universal oo ku aadan wareejinta xarunta Ex Baarlamaan.

Ugu danbeytii, labo sano ka hor ayeey aheyd markii guddiyada baarlamaanka ay soo bandhigeen nashqad muujineysay in dib u dayactir lagu sameeyo xarunta Ex Baarlamaan, lama oga halka uu qorshahaas ku dambeeyay, iyadoo uu jiray mashruuc dayactir loogu sameyn lahaa xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay maal geli laheyd Imaaraadka Carabta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!