Faadumo Dayib oo noqotay madaxa haweenka hay’adda QM ee Soomaaliya

by wadani | Monday, Jun 19, 2017

Muqdisho : HN :-Faadumo Dayib oo mar ka mid noqotay Musharaxiintii Madaxweynaha Soomaaliya, balse markii dambe ka hartay Tartanka, ayaa loo magacaabay Madaxa Haweenka ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Faadumo Dayib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kula kulantay Xarunta Madaxtooyada, iyadoo ka mahad celisay qaabilaada iyo soo dhoweynta uu Madaxweynuhu u sameeyay.

Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Facebook ayaa ku sheegtay inay ku faraxsan tahay la kulanka Madaxweynaha

Waxaa ay sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweynaha iyo dowladdiisa, waxayna sheegtay inay sharaf u tahay u tahay in Madaxweynaha ku wareejiso nuqul ka mid ah qorshaha waajibaadkeyga ee Xafiiska ay madaxda ka tahay.

Xafiiska ay madaxda ka noqotay ayaa qaabilsan awood siinta Haweenka iyo sinnaanta Jinsiga, iyadoo ka shaqeyn doonto barnaamijyada Haweenka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!