Faah faahin ka soo baxeysa weerar lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho

by admin | Friday, Feb 20, 2015

Muqdisho : HN :– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidamin ah oo goor dhaw rag hubeysan oo is miidaamiyay ay ku qaadeen hoteel Central oo ay ku sugnaayeen waqtigaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxana la leeyahay waxaa weerarka ku dhinta ilaa 8 ruux halka siddoo kalana ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin dowladeed.

Wararka naga soo gaaraya hoteelka ayaa sheegay in xiligaan ay ku sugnaayeen wasiirro ka tirsan xukuumada ooDSC027781 ku tukanayay masjid ku yaalla hoteelka, waxaana la leeyahay waxaa ku dhaawacmay weerarka wasiirrka duulista hawada Axmed Jaamac Jangali iyo wasiirkii hore ee ammniga C/qaadir Cali Cumar.

Wararka oo ah kuwo isa soo taraya ayaa laga yabaa in khasaaraha soo gaaray mas’uuliyiinta dowladda uu intaa ka sii badan karo, madaama aan la helin wali magacyada rasmiga ah dadka ku dhintay weerarka.

Kooxihii weerarka qaaday ayaa la leeyahay wali waxaa ay ku jiraan gudaha hoteelka weerarka lagu qaaday waxana soconaya howlgal ballaaran oo ay waddaan ciidammada dowladda.

Wixii soo kordha waan idin soo gudbin doonaa…

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!