Faah faahin ku saabsan doorashadii C/llaahi Goodax & Ciidammo isku dayay in ay joojiyaan

by wadani | Thursday, Dec 1, 2016

Jowhar : HN :-Doorasho aad u adag oo buuq iyo khilaaf uu ka dhashay ayaa maanta ka dhacday magaalada Jowhar, waxaana uu ahaa kursi siweyn loo wadda sugayay natiijada ka soo bixi doonta.

Kursiga beesha Xawaadle/ Agoon ayaa waxaa ku loolamay musharixiinta kala ah: C/llaahi Goodax Barre, Maxamed C/llaahi Garguurte, Bile Iidle Sabriye, Muqtaar Xuseen Afrax.

Wareegii koowaad markii uu dhammaaday ayaa waxaa goobta tegay ciidamo ka socda kuwa ammaanka oo sheegay in Guddiga Doorashada Hirshabeelle uu amray in la joojiyo doorashada kursiga Beesha Agoon Cabdalle oo muran ka taagan yahay.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo taageeraya Musharax C/llaahi Goodax Barre ayaa isna amray in doorasahda ay sii socoto, isagoo ciidamo kale geeyay goobta doorashada.

Natiijadii wareegii koowaad ee Doorashada ayaa noqotay:

C/llaahi Goodax Barre: 22 cod

Bille Iidle Sabriye: 19 cod

Maxamed C/llaahi Nuur: 10 cod.

Mukhtar Xuseen Afrax: 0 Cod

Doorashada ayaa wareega labaad gashay iyadoo Guddiga Doorashada uu qaadacay in doorashadaasi socon karto kadib markii madaxweynaha Hirshabeelle lagu eedeeyay inuu bedelay ergadii rasmiga ahayd ee Dooroshada kursigan.

\Ugu danbeyntii, Wareega labaad ayaad natiijadii noqotay in C/llaahi Goodax Barre ku guuleytay 32 Cod.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!