Faah faahin ku saabsan weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

by admin | Thursday, Jan 22, 2015

Muqdisho : HN :–Weerarkii ismiidaaminaminta ahaa ee maanta lagu weeraray hoteelka SYL oo kasoo horjeeda madaxtooyada Somalia ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu weeraray wafdi Turki ah oo hordhac u ahaa booqashada madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo hoteelkaas deggenaa.

Weerarka ayaa inta la og-yahay waxaa ku dhintay saddex qof oo laba booliis ah ay ku jiraan iyo qofkii weerarka fuliyay ayaa ku geeriyooday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay laba qofna oo kale, waxaana goobta uu ka dhacay qaraxa ay ku sugnaayeen xilligaas dad fara badan oo isugu jiray dad ah shacab iyo askarta dowladda Soomaaliya.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa qoray in hoteelka albaabkiisa uu ku dhacay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse ay20151226355751427009317742015-01-22T133614Z_921314108_GM1EB1M1NSQ1_RTRMADP_3_SOMALIA-BLAST-TURKEY badbaadeen wafdigii ka socday Turkiga oo hoteelkaas ku lahaa shir xilliga uu qaraxu dhacayay.

“Hoteelka waxaa deggenaa wafdi Turki ah, wax khasaare ah oo gaarayna ma jirto,” ayuu yiri Faarax Nuur oo ka tirsan saraakiisha booliiska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Cap. Faarax Nuur ayaa intaas ku daray. “Gaarigu wuxuu ku qarxay illinka hore ee hotelka, welina waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo sida uu qaraxan ku dhacay iyo cidda ka dambeysa.”

Ma jiro cid ka tirsan wafdiga Turkiga ah oo waxyeello ay kasoo gaartay qaraxan, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Turkiga. mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan ismiidaamint ah.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado inuu berri oo Jimco ah uu booqasho ku tagayo magaalada Muqdisho, taasoo ah mid hal maalin ah, wuxuuna furayaa mashaariic ay hay’adaha Turkigu ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Si kasta oo ay tahay, Hoteelka SYL ee Qaraxa ismiidaaminta ah lala beegsaday ayaa kasoo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa 10-kii bishan Jannaayo lagu qabtay shirkii 53-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda ururka IGAD.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!