Faah faahin ku saabsan weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Kismaayo

by admin | Saturday, Aug 22, 2015

Kismaayo : HN :– Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxay weerar ismiidaamin ah oo maanta qof Kismaayo2naftiis hure ah uu ku qaaday xarunta Jaamacada magaalada Kismaayo oo uu ka soconayay tababar la siinayay ciidammmada maamul gobolleedka Jubbaland.

Wararku waxaa ay sheegayaan in weerarkaasi loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo sidda la sheegay uu wadda sarkaal ka tirsanaa ciidammmada maamulka Jubba, waxaana ku dhintay 15 ka tirsan ciidammadii halkaa lagu tababarayay, halka wararka qaarna sheegayaan in askarta dhimatay ka mid ahaayeen kuwa AMISOM.

AMISOM ayaa qiratay in saddex askari oo tababarayaal ah ay uga dhaawacmeen qaraxa xoogan ee ka dhacay xerada ciidamada lagu tababarayay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in khasaaraha uu intaa ka badan yahay, isla markaana meydad badan laga qaaday goobtii qaraxa ka dhacay oo aheyd teendhooyin ciidamada ay jiifeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, isla markaana ay ku dileen in ka badan 100 askari ka tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!