Faah faahin ku saabsan weerar lagu qaaday hotelka Maka Al-Mukarama

by admin | Friday, Mar 27, 2015

Muqdisho : HN :– Warar dheeraad ah iyo faah faahinno ayaa ka soo baxay weerar rag hubeysan maanta ay ku qaadeen hotelka Maka Al-Mukarama oo ka mid ah hoteellada ay degaan mas’uuliyiinta dowladda iyo shaqaallaha ka howlgala wasaarrada kala duwan ee xukuumada.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa la sheegay in qarayo lagu fuliyay ilaa labo gaari kaddib, dabley hubeysan gudaha u galleen hoteelkaQarax-Hoteel-Ma-7, islamarkaana la wareegeen qeybo ka mid ah dhismaha hoteelka, waxaana inta la og-yahay ilaa iyo hadda ku dhintay weerarka todobo ruux.

Sarkaal ka tirsan ciidammada dowladda ayaa xaqiijiyay geerida ilaa todobo ruux, isaga oo intaa ku darray in mar walba geeridu intaa ka sii badan karto.

Warar hoose oo la hellayo ayaa sheegay in ay dadka dhaawacmay weerarka ay ku jireen mas’uuliyiin dowladeed, waxaana ka mid ah ayaa la leeyahay Amb, Yuusuf Bari Bari oo ah safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Switzarland.

Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka waxaan ay intaa ku darreen in wali xoogaga ka tirsan gudaha ugu jiraan hoteelka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!