Faah faahin ku saabsay dagaal shalay dhaxmaray ciidammo ka wadda tirsan dowladda

by admin | Wednesday, Oct 8, 2014

Muqdisho : HN :–Ciidammo ka kala tirsan nabad-sugida iyo booliiska dowladda Soomaaliya ayaa gallinkii danbe ee shalay waxaa uu dagaal xoogan ku dhaxmaray agagaarka dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, kaddib markii sidda la sheegay ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugida toogasho ku dilleen askari ka tirsanaa ciidammada booliiska Soomaaliyeed.

 Wararku waxaa ay intaa ku darreen in ciidammo ka tirsanaa kuwa nabad-sugida kala eryeen ciidammo booliiska ah ku sugnaa amaciidamadadowlada koontarool ku lahaa agagaarka dekeda Muqdisho.

 Ma jirin saraakiil ka tirsan ciidammada dowladda ama mas’uuliyiinta ugu sareysa oo ka hadashay wali iska horimaadka maalintii shalay dhaxmaray ciidammada dowladda Soomaaliya.

 Dagaalka shalay ayaa dhacay xili bilihii ugu danbeeyay dowladda ka nasatay dirirta dhaxmarta ciidammada oo inta badan la sheego in ay salka ku hayaan arrimo dhaqaalle.

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!