Faah faahin qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay gallinkii danbe ka dhacay Beydhabo

by admin | Saturday, Dec 6, 2014

Baydhabo : HN :– Maqribnimadii shalay waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka dhacay weerar Ismiidaamin ah oo is xig xigay, waxaana weerarkaas inta la og-yahay ku dhinta ilaa 11 ruux oo rayid ahaa, kuwaa oo ku sugnaa goob maqaaxi ah oo siweyn u camireyd.

Qaraxa hore ayaa la sheegay in geystay nin dhalinarro ah oo soo gallay maqaayada oo ka hor inta uusan qaraxa geysan dalbaday ShaahBaydhabo_Kulan_Nabadeed isaga oo markaa isku ekeysiinaya dadka caadig ah ee goobta ku sugnaa, laakiin mar kaliya ayaa laga war-hellay qofkii goobta ku sugnaa oo is qarxiyay.

Markii uu qaraxa hore dhaca oo ay dadku bilaabeen in ay goobta ka qadaan dadkii dhinta iyo kuwii dhaawacmay ayaa isla goobta waxaa soo gallay gaari walxaha qarxa ku raran yihiin oo mar kale isla goobta ku qarxay, taasoo sii kordhisay tirada dhimashada iyo dhaawaca goobta.

Dad ku dhintay weerarkaasi Ismiidaminta ahaa waxaa ka mid ahaa ilaa saddex wariye, halka tiro kale oo suxufiyiin ahna ay ku dhaawacmeen weerarka ismiidaaminta ah.

Weerarkaas ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa oo waayadii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!