Faah faahin shirka madasha ee ka socda Muqdisho

by wadani | Sunday, Dec 18, 2016

Muqdisho : HN :- Waxaa wali ka soconaya magaalada Muqdisho shirkii madasha wadatashiga hogaamiyayaasha Soomaaliya loo hadlayo qodobo muhiim ah oo dhamaantood la xiriira arimaha doorashada, waxaana warar hor dhac ah oo laga helayo shirka sheegayaan in hogaamiyayaashu isku fahmi la’yihiin in badan oo ka mid ah qodobada shirka hor yaala.

Hogaamiyayaasha shirsan ayaa siweyn ugu kala qeybsan sidda laga yeelayo kuraastii dhawaan dib loo soo geliyay ee guddiga xalinta khilaafaadka baabi’iyeen natiinadooda doorasho, waxaana xusid mudan in madaxda dowlad gobolleedyada dalbanayaan in dib looga laabto go’aankii lagu joojiyay kuraastaas.

Siddoo kale qodobada muhiimka ah ee ilaa iyo hadda aan leysla meel dhigin ayaa waxaa ka mid ah doorashada xubnaha gobollada W/qooyi gaar ahaan kuraasta gobolada Sool iyo Saag oo ay isku hayaan maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Ugu danbeyntii, shirka oo la filayo in saacadaha soo socda lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in laga soo saaro jadwal doorasho oo cusub, madaama ay adag tahay in bishan lagu soo dhameystiro guud ahaanba doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, madaama aan wali la dhaarin xildhibaannada.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!