Faallo ka hadlaysaa , Faragelinta shisheeyuhu ku hayaan Dowlada iyo shacabka soomaaliyeed‏

by admin | Sunday, Nov 20, 2011

Canaan ka yaab reer ma doojo!

Marka aad u dhaba gasho siyaasada wadanka soomaaliya ayaa waxaad dareemaysaa, In Madax iyo minjo ay ka siman yihiin cilada ah inaysan isku filnayn dhinac walba aqoon, talo iyo dhaqaaleba sidaa awgeed waxaa muuqata inay yihiin dad wadankooda dhexdiisa ku ah shaqaale u shaqeeyaa umaddo kale oo ka leh dalkooda iyo dadkooda dano gaar ah.

Tusaale ahaan waxaad arkaysaa nin madax ah oo soomaali ah oo samaynayaa wax shacabkiisa iyo dalkiisa lid ku ah , taariikhdiisana wax u dhimayaa taasoo muujinaysaa inuusan caqligiisa saliimka ah ka keenin ee uu yahay nin dhex mushaaxayaa badwaynta maxmiyada maskaxaysan.

Maxmiyadu waa dhawr qaybood, waxaa ka mida mid muruqaysan oo ah in awood lagugu muquuniyo, rabitaankaaga gebi ahaan meesha laga saaro waxaana kaa saari karta maxmiyadaa inaad awood la timaado u babac dhigi karta tan ku haysta.

Maxmiyada maskaxaysan, waa mid lagugu maamulayo dalkaaga oo aadan xor ahayn fekerkaaga muuqaalka waxaad u egtahay xor oo calankaaga iyo magacaaga maaha mid la bedelayo balse dareenkaaga iyo rabitaankaagu waxuu ku xadaysan yahay afkaaga keliya maahaa maskaxdaada waxaad ka keento ma shaqaynayaan sababtoo ah hadaad diido dano badan ayaa layska kaa hortaaga waxaanay sababi kartaa in taada shaqsi ahaaneed aad waydo waxaana laguugu hanjabayaa in taageeradii iyo aqoonsiga lagaala noqonayo.

Maxmiyada cilmiyeysan waa maxmiyada hada caalamka ugu badan oo waxaa jideeya jamciyada quruumaha ka dhaxaysaa , haddii awoodaada ciidan iyo dhaqaale midna aan loo babac dhigi karin waxaa laguu adeegsanayaa qaab kale oo ah in laguu sameeyo turxaamo badan iyo iimo & eedo kala duwan oo laguu tuso bulshada caalamka inaad tahay dhibaato soo fool leh, magacyo badan laguu sameeyo si loo diciifiyo awoodaada dhaqaale iyo ciidan gebi ahaan jirintaanka iyo horumarkaaga , sidaa awgeed cod buuxa lagugu saaro cunaqabatayn, xayiraad dhaqaale, dhaqdhaqaaq dhinac walba.

Hadaba madaxda aduunka marka laga reebo kuwa hada awoodda is bidaya waxaad arkaysaa inay dhamaantood ku sifoobaayaan canaan ka yaab cid ma doojo dadka dibada siyaasada ka jooga waa shacabkeena waxaa inoo muuqda qalooca rasmiga ah iyo xadgudubka ummadeed ee jira balse maxaad ka tari kartaa.

Waxaa igu maqaale ah in mudooyinkii hore ee dowladii dhexe ,loogu hanjabay hogaamiyihii soomaaliya Maxamed siyaad bare in cunaqabatayn la saarayo , waxuu hore u sii qaatay markuu shirka ka qayb galayey , Biyo, Sabuul dubaniyo Hilibka libaax badeedka la qoraxayn jiray Maleexaan waxaanu u sheegay inuu labadana cunto ahaan u haysto biyahan cabayo, sidoo kale waxuu ugu faanay khayraadka dabiiciga ah ee beeraha iyo kuwa xoolahaba inuu ilaahay ku manaystay oo cunaqabatayn kastaa aysan waxba ka qaadayn isaga oo muujiyey isku filnaansho dhaqaale , hadaba dalkii sidaa ahaa waxuu maanta marayaa heer loogu hanjabo mushaharka shaqaalaha dowlada in aan la bixinayn haday fulin waayaan waxaa loo meeriyo. . Waan ka cudurdaaranayaa ma hayo sababta iyo taariikhda rasmiga ah ee dhacdadan. haday dhacdayna waa taariikh wanaagsan oo u baahan xus iyo xasuus hadaysan dhicina waa caqli saliim ah oo aan haysanaa waxaan kaga maarano gacan shisheeye balse waxaan xaqiiq ah haddii qofku maskax ahaan isku filan yahay inuu wuxuu haystana isku filayn karo.

Hadaba waxaa maanta umada soomaaliyeed rabitaankeeda lagu handaday waa dhaqaale haddii bulshada soomaaliyeed ay ka run sheegto u hogaansanka iyo taageerada nidaam dowliya lana helo madax aan lahayn dano gaar ahaaneed waxaa meesha ka baxaysaa in aan galno maxmiyada maskaxeed ee laynagu haysto maanta ee qaranimadeenii iyo sharafteeniiba meesha ka saartay.

Waxaad arkaysaa ciidamo wadamo shisheeye kuwa fog iyo kuwa deriska ah oo iska soo gelaya dalka soomaliya iyaga oo ka idaad , iyo ogolaanshiiyo haysta qaramada midoobay haddii la diido qaramada midoobay awaamirtooda waxaa shuruud ku ah inaysan bixinayn mushaarooyinka , madaxda, ciidanka, baarlamaanka, dhamaan shaqaalaha dowlada ku meelgaadhka ah.

Waxaad arkaysaa madaxda oo la soo hordhigayso heshiisyo dowladii hore diiday ama ku gacan saydhay oo wax dhimaale u ah umada soomaaliyeed oo si ka fiirsasho iyo shuruud la,aana loo saxeexayo iyada oo aan bulshada soomaaliyeed mustaqbalkeeda danbe cidina danayn waxay kala kulmi doonaan saxeexyadaas.

Hadaba waa is waydiin madax iyo minjo maka go,antahay inay ka soo hoosbaxaan gumaysiga maskaxaysan ee ay ku jiraan haday jawaabtu tahay Haa yaan lays eedine halays kaashado dal iyo dibbad si guud haloo wajaho dalku inuu helo nidaam uu xor u yahay oo aan cidna hoos tegin wax shuruudana ku xidhnayn oo bulshadu xor tahay.

Haddii taas la waayo waxaan ku jiraynaa , Gacanta Mahiga iyo mid la mida, Gacanka Uganda & Brundi. Xadgudubyada iyo kenya iyo itoobiya ee xuduudaheena iyo kala qaybsanaanta baahsan ee umadeena haysta. Waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa tix hore abwaan soomaaliyeed u yidhi hobolada qarankuna ku luuqayn jireen.

 

Haybhayb la sheegtiyo

Habar habar ma joogtee

Haween iyo rag maantaba

Yeynaan u kala hadhin.

 

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!