Faalo ka hadlaysaa siyaasada guracan ee soomaaliya (Heshiiskii Habardugaag)‏

by Yahye | Friday, Dec 23, 2011

Heshiiskii Habardugaag

Meeshu waa baadiye cidla ah, waa duur iyo hawd dhirtu hamash tahay dab joog iyo duurjogna kuma kala maqna waa joogaan habar dugaag ayaa go,aan ku gaadhay inay shiraan oo heshiis dhexmaro khilaaka dhex yaalona xal loo helo.

Waxaa la madlay shir, shirka waxaa goobjoogayaal ka ah, dab joog iyo duur joog, inta beerka ku socota iyo inta adimada ku socota laguma kala maqna waxaa shir gudoominaya, (dhidar) laguma baran dhidar talo habardugaag iyo arimaha xasaasiga ah balse waa duni casriyee waa laysa soo wada gaadhay haddii habar dugaag shirayso waxaa usha u ruxi jiray libaax waxaa shir gudoomin jiray dawaco waxaana had iyo gooraale mucaarad ahaan jiray waraabe haddase xaalku waa ka bedelan yahay sidii hore nin waliba waa musharax nina nin libin iyo ladnaan uma ogola arki jiray doon ma jiro waxaa meesha ka dhacayaa ( bal anna i day) dhidar ayaa dhexmarayaa ergada shirka ka soo qayb gashay isagaana hadalka qaybinayaa waxuuna hadba caasha ku taagayaa ninkuu doonayo inuu hadlo waxaa wax layska waydiiyey arimaha , colaada dhexdooda, iyo abaaraha jira, dhinaca kale waxay ka tashanayeen aadamaha oo isagana wax kala dhaxeeyaan balse colaad guun ka dhaxayso weligoodna aan nabad iyo heshiis dhexmarin .

Waxaa wax layska waydiinayaa dhinaca gudoonka talada habardugaag nin waliba waa musharax waxuuna soo bandhigayaa kartidiisa iyo awoodiisa iyo aqoontiisa , waxuuna cod ka raadinayaa

Ma liibaanayaasha lagu liibaano, waa kuwa xaqoodii la duudsiyey , dabjoogta iyo duurjoogta ugaadha u badan, xamaaratada qaarkood iyo inta aan lahayn awooda nimankan sheeganayaan iyagaa cod laga rabaa iyagaana la cuni rabaa cajiib!

Qolo waliba waxay wadataa duubkeeda, waa sida loo kala qaar weyn yahay, ee Maroodiga iyo Geriga iyo waxii la halmaala waxaa lagu daray ugaadha.

Waxaa talada isku haysta waa mici ku dhiiglayaasha , hororka ah, nin degan iyo mid wanaagsan talo lama waydiinayo ama diid aya yeel ayaa ciwaan looga dhigay Inta micida adeegsata ayaa is horfadhida, Libaaxyo, shabeelo, waraabayaal, haramcadyo, yeey ama uulleey, dawaco, dhidir, iyo weer, iwm

Baalalaydu iyadu dhirtay ku sharaxan tahay hadba qoladii hadasha ayay sacab iyo mashxarad ku harqinayaan.

Horornimadaa loo tartamay iyo jagadii madaxnimada sanadkan iyo sanadaha soo socda gorodaa laysla galay xaajadu waa yaan lagaa badin hooy hooy

Libaax oo isu yaqaan boqorka habar dugaag ayaa hadlay waxuu soo xusay taariikho badan waxuuna ka sheekeeyey wax qabadkiisa waxyaabo badan ayuu ka xishooday oo yidhi dhaqankayga maaha waxuu sheegtay balan , waxuu sheegtay inuusan bakhtiga cunin waxuu sheegtay isagoo dheregsan inuusan naf kibir u gooyn waxuu sheegtay dabeecado badan oo wanaagsan waxuu yidhi lugtu haday jeeniga dhaafto way jabtaa waxuu ku soo gebogebeeyey balse cir weyni iyo anigaa ah iyo lagama daba hadli karo ayuu ku ladhay weger baa la wada yidhi.

Waraabe ayaa istaagay amaan ayuu isku jagac siiyey waxuuna ku faanay inuu yahay ninka ka soo hooyday habeen iyo dharaarna dagaal aan kala joogsi lahayn kula jira (aadamaha) isaga oo dhawrayaa sharafta habar dugaagna u diiday inay nabad helaan dad iyo duunyana aadamahaka dhameeyey banaan iyo hawdba waxaan ka ahay caan habaar iyo dagaal midna waxba way laygaga tari waa waxuu yidhi laygama mudna deeqsinimo, dagaalyahanimo, iyo halgamaa inuu yahay ayuu sheegtay weger ayaa la wada yidhi .

Shabeel ayaa istaagay isaguna faalo dheer mariyey waxuu sheegtay xilkan libaaxu isku boqrayaa inuusan waxba ka jirin caalamka markii aadamuhu tartansiiyey xayawaankana inuu dhinaca quruxda boodada iyo dagaalka kun barood dheeraday libaaxa oo lala yaabay xitaa jabhada aadamiga aya magacayga isticmaalaan astaamaha aadamuhu ugu jecelyihiina uu ka mid yahay waxaan ahay astaan dagaal iyo tababare caan ah sidaa awgeed laygama mudna madaxnimada raganimada nina igu gaadhi maayo weger baa la wada yidhi.

Dawacaa hadalkii qaadatay waxay tidhi waad iska faanaysaan ee libaax iyo shabeel iyo ma aqaano waraabe waxaan arkay carabkaan mariyaa guutooyin iyo gaasas ayaan ahay waxaan ahay tirada bahalaha ugu badan yeeyda iyo ulleeydu xitaa waa tarantayda oo oo waa qoyska reer dawaco iyo eeydu xitaa waxay soo raacaan bah dawacaad , bah dawacaad waa qowmiyad balaaran awood buuxda iyo muuqaal wanaagsan ku leh habar dugaag dhexdeeda wanaag iyo kartina nalagu gaadhi maayo waxaan ahay tusaalaha bani aadamka inaan ahay kooxda ugu caqliga badan , ugu khiyaanada badan hadal badan danbaa dhaantee mudnaana anagaa iska leh, Weger ayaa la wada yidhi.

Waxaa hadlay haramcad ama haramcas waxuu yidhi anigu ugaarsiga ninka ugu dheereeya orodka , boodada iyo booli xooftada ayaan ahay waxaan ahay ma naxaan ma quustaan ah quruxda shabeel sheegtayna waxba kama jiraan alow alle nimanyahoow nina iga mudna maanta faan iyo hadalna wax tari maayo ha laytijaabiyo . weger iyo ka waasacan ayaa la yidhi.

Waxaa hadlay dhidar isagoo sheegtay inuu weerna wakiil ka yahay waxuu yidhi intaanu habar dugaag dab joog iyo duur joog abaal u galnay ilaahay ayaa og sidaa awgeed waxaan odhan lahaay maadaama aanu nahay bahda ugu deeqsisan , uguna godobta badan xitaa waxaan nahay koox laysku habaar weer ku gal iyo dhidar kula tag sidaa awgeed nalagama mudna weger baa la wada yidhi.

Kuwo dulman oo lagu gorgortamayaa meesha soo tuban waa xoolihii meesiyada kala duwan ahaa iyo ugaartii , xaamaratadii, baalalaydii waa kuwo xaqoodii la dhacay , dhiigoodii la shubay , kuwa lagu faanayo iyo kuwa loo gurdaynayaa waa iyaga waxay garab weydiisteen ilaahay shirkani ma alfana , belaayaa ka soo jiijiile balse gargaar waa ka rabi ayay talo ku gooyeen.

Waa lagu kala dareeray shirkii waxaana laysku afgartay in gudi laga soo saaro, habar dugaaga kale ee aan waxba cunin balse magaca la wadaagta si ay go,aan u gaadhan cida mudan hogaanka iyo talada ee looga danbaynayo.

Habardugaagta kale waa kuwa dulman ee dhiigooda loo tartamayo codka iyo woodkana iyagaa laga sugayaa ninkii ku cuni lahaa dooraa meesha taala, ninkii ku dili lahaa adigu soo xulo , wedkaaga kaad jeceshahay gacanta u tag.

Habar dugaagta kale talaa ku cad , kii ay doortaana isagaa inuu dilo oo cuno u diyaara kii ay diidaana colaadii hore ayuu sii laba jibaarayaa (Hashii dhool ahaydba laba midigle dheelmoo dhana uma fayooba )

Waxaa dhiman codayntii iyo qolo ka mid ah habar dugaagta aan waxba cunin inay tartanka soo galaan la soco…………… qaybaha danbe

Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr 1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!