Faalo ku saabsan Dacwada Cali samatar lagu soo oogay

by Yahye | Sunday, Feb 12, 2012

Inta badan marka  aad maqasho  dacwada lagu soo oogay maxamed cali samatar ayaa ku salaysan intuu madaxda ahaa  ee uu dowladii hore meleteriga ahay  xilka ka hayay balse ma jiro qof leh ama ku doodaya inuu danbiyo galay ama hanti uu dhacay  dowladii Madaxweyne A adan Cabdule Cismaan(Aadan cade)    ama dowladii Cabdirashiid cali sharma,arke  taasi waxay cadaynaysaa  in uu yahay shaqsi lug weyn ku lahaa tacadiyadii dhacay 21 sano ee xukunka rajiimka ah dalka haystay.

 

Sidaa awgeed  waxaa  hubaal ah inay tahay wax wanaagsan in qof walba  danbigii dagaal uu galay maxkamad lala soo taago,  qof walba oo ka qayb qaatay xasuuqii  shacabka soomaaliyeed  ee si dadban iyo si toosa u dilayay shacabka soomaaliyeed in lala xisaabtamo hadda iyo goor danbeba.

Dadka qaar baa ku dooda  beel yar buu ka dhashay  , sidaasaa loo keligii dacwada loogu oogay balse maaha xaalku sidaa waa ka duwan yahay  hadaan  dhanka kale ka eegno ma jiraa shaqsi maanta nool oo ka darajo sareeya raggii dowladii kacaanka horjoogay maxamed cali samatar balse soomaalidu waxay ku maahmaahdaa  (Ushu ninka dheer bay dhufataa ) ma jiro danbiile ka jago sareeyay oo maanta nool  Maxamed cali samatar mana jiro danbiyadii dagaal uu gaystay danbiile geystay. Sababtu maxay tahay gumaadkii dhacay  1969 ilaa 1990 isagaa ayaa  lagala xisaabtamayaa waxaana  la doonayaa inuu isagu danbiile kasta oo shaqada la qabtay oo banaanka keeno  qoladuu doono ha ahaado , maadaama uu ahaa  wasiirka gaashaandhiga  iyo ninka talada ciidanka soomaaliyeed  ee amarka bixinayay taladana gacanta ku hayay  falal dambiyeedyadii dhacay  1977 dagaalkii soomaalida iyo xabashida xasuuqii ka dhacay  gobolada dhexe iyo bari, xasuuq ka dhacay  gobolada waqooyi  xasuuqii ka dhacay gebi ahaan dalka soomaaliyeed dilalkii madaxda sare iyo Ganacsatada soomaaliyeed iyo culumada  ugaadhsigii mucaaradka dowlada iyo dadkii xabsiyada lagu dili jiray iyo dhamaan dhibaatadii rajiimkii hore gaystay maadaama uusan maanta noolayn  madaxweynihii waqtigaa jiray waxaa booskiisa buuxinayaa  ku xigeenkiisa oo ah maxamed cali samatar  hadduu nasiib leeyahay  wuu dhiman lahaa  sida kuwii kale ceebtan iyo caaqiladani kumay dhacdeen balse cimrigiisa ayaa gaadhsiiyay in lala xisaabtamo.

 

Isaga waxaa u wanaagsan in uu danbigiisa qirto , ilaahayna cafis weydiisto umadii uu dhibay iyo dadkii oo agoomeeyayna cafis weydiisto, waxaan u malaynayaa maxkamad inay nasteexadiisu ku jirto.

 

Haddii aad shalay awood lahayd waxaa imanaysa maalin aadan awood lahayn oo  cid waliba kaa adagtahay  cali samatar haddaanu danbiile ahayn  wadankiisa ayuu ku noqon lahaa hal maalin  waayo raga kale oo dhami way tagaan   cali samatar keligii kama dhalan  beesha gabooyaha  waa beel weyn oo soomaaliyeed  danbiga uu galayna beel ahaan saamayn kuma laha waxaana hubaal ah haddii la baadho inuu xitaa iyaga danbiyo ka galay beesha  uu ka soo jeedo waayo waxay ka mid ahaayeen umaddii la xasuuqay  21 sanadood.

 

Caalamka weligeed kama dhicin lamana maqal nin la dilayo oo lagu heesayo  magaciisa idaacada qarankana laga soo daynayo  hebel  dilaay iyo qoorta gooyaay , haddee maanta isagay ku yuururta  waxaanu ku sifoobay (Booraame  haddimo ha qodin ku dhici doontaana  ma ogide) cali samatar cidna asxaan  uma samayn dalkana waxba uma qaban  gaara  waa danbiile  dagaal ciqaabtiisan inuu maro ayaa umada soomaaliyeed ee uu danbiyada ka galay jeceshahay.

 

Haddii  hogaamiyayaashii jabhadaha, hogaamiye kooxeedyadii , iyo hogaamiye diimeedyadii danbeba lagu helo  falal danbiyeed cadayntoodu muuqato oo  xaq ah ciduu doono ha ahaadee waxaa muhiima  in ummada soomaaliyeed la xisaabtanto dadkii dhibaatada soo marsiiyey 42 sano  21kii sano ee hore iyo 21 sano ee danbe  intaba maaha  wax laga xumaado haddii shaqsi danbiile ah la yidhaahdo  waa lagula xisaabtamayaa waxaana lagugu oogayaa dacwada danbiyadaad gashay.

 

Waxaa la yidhi  (koore la qaadyaaba shalmadi dhalalow) waa  laba waxyaalood oo isku duuban oo aan kala hadhin soomaalida haddii qof la sheego danbiile ah  markiiba beeshiisa ayaa soo boodaysa ama beeshiisa ayaa lala soo boodaya. Beelaha soomaaliyeed  kuligood danbiga maysan geline e shaqsiyaad ka dhashay ayaa galay haddii shaqsiyaadkaas lala xisaabtomana waxaa ku jira caafimaadka  beesha iyo beelaha kale iyo umada soomaaliyeed .

 

Waxaan leeyahay waa talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday in shaqsi walba   ka bilow   dilaaga  hal qof dilay ilaa  kan kunka qof dilay  inaan waxba  farqiya u dhaxayn nin weliba ciqaabtiisa la marsiiyo oo  xabsi iyo xadhig iyo xeerba leh inaan lagu xadgudbin shaqsi soomaaliyeed oo aan wax danbiya gelin maamul hebel ayaad ka tirsanayd  .

 

Tusaale ahaan maanta  waxyaabaha  uu samaynayo madaxweynaha suuriya ama madaxweynihii dhintay ee liibiya, ma wax wanaagsanbaa jawaabtu waa maya, haddaba cali samatarna wacdaruhuu dhigay shalay kuwaasoo kale ayay ahaayeen haddaydaan telefishino ka daawan oo aaydaan goob joog ahayn  ma dareemi kartaan dhibaatada uu geystay  iyo siduu shacabka iyo umada soomaaliyeed u galay .

 

Maamulka dowladii dhexe ee soomaaliya waa loo dhamaa  danbiyada ay gashay  raga galay soomaali oodhan way ku jiraan  si dadban iyo si toosaba haw galaane  sidaa awgeed  waxaa haboon  dadkii  dalkeena burburshay, qaranimadii dumiyay, dadkeena xasuuqay  ubadka iyo dhalinyarada mustaqbalkooda ka dhigay inay badaha ku daataan ama  dalal shisheeye  nafta la doorbidaan maatida banaanada wadhay  dadkii danbiyada culculus naga galay iyo kuwa hada  naga geli doona iyo kuwa hada gacanta kula jira fal danbiyeedyadii in  lala xisaabtamaa waa waajib waana wax muhiim ah.

 

Cali samatar dadka ku doodaya beel yar ayuu ka dhashay beesha gabooye kama yara beelaha soomaaliyeed waa been , waxay degan yihiin 18ka gobol mana jirto beel soomaaliyeed oo awoodaas leh  18ka gobol 83 degmo degan aan ahayn beesha gabooye,  waa beel dhexdhexaad ah ceeb ka saliimna ah oo aan ka qaybqaadan  dhibaatada dalka ka dhacday beel ahaan, balse shaqsiyaadka ka dhashay beeshaas ee danbiga gala  haddii lala xisaabtamo ama la maxkamadeeyo maaha macnaheedu in beesha loo jeedo .

 

Dadka u doodaya cali samatar inuusan danbi lahayn  cadaynteeda ayaa laga doonaya  dadka ku doodaya danbiga uu galayna cadaynteeda ayaa laga doonayaa, Garina laba nin kama  wada qosliso

Waxaan qoraalkayga ku soo afjaraya tixdan kooban  ee digniinta ah.

 

Danbi ruuxa naga gal

Dalkayaga waxyeeliyo

Dibindaabyo nagu fala

Shacabkiyo dadweynaha

Kii dabarjarkoodiyo

Dil u gaysta weligiis

Kii daga amaba dila

Kii daabcad nala dhaca

Kii duqeeyey maatada

Kii doraad wax gaystiyo

Midka dilaya maantooy

Waa la dabagelaayaa

Dambigii uu naga galo

Dumadiisa weeyee

Intaan dunida joognana

Dacwadiisu waa meel

Haddii daluun galo

Daayin tiisu waa meel

Ninka dood ka qaba ee

Dambiilaha xigsanayoow

Daliil maxaad u haysaa

Ku difaaci doontaa

Diiwaanka kuu qoran

Dadweynaha ogaysii!

 

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!