Faarax Sheekh C/qaadir oo maanta xilkii ku wareejiyay wasiirrka cusub ee wasaarrada cadaallada

by admin | Sunday, Feb 15, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirrka hore ee wasaarrada Cadaallada iyo Dastuurka dowladda Soomaaliya, Faarax Sheekh C/qaadir, ayaa maanta xilalkii wasaaradaas ku kala wareejiyay wasiirrka cusub ee wasaarrada cadaallada Gen. C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-jii) iyo wasiirrka cusub ee dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen.

Munaasabadan oo ahayd mid si wanaagasan loo soo diyaariyay waxaa goob joog ka ahaa Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, wasiiro ku xigeenno, Wasiiro Dowlayaal, Safiiro Soomaaliyeed, iyo shaqaalaha kala duwan ee labada wasaradood, bahda saxaafadda iyo marti sharaf kale.

Faarax C/qaadir ayaa labada wasiir ku wareejiyay Doucument-ga wax qabadkii iyo horumarkii uu ku talaabsaday intuu hayay xilalkan, waxqabadkaas oo lagu soo bandhigay muuqaal iyo qoraallo badan, labada wasiir ee cusub iyo wasiirkii hore waxay kala saxiixdeen warqadii kala wareegista shaqada qaranka.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay oo uu ka jeediyay Munaasabada ayaa waxaa uu u mahadDSC_0345 celiyay shaqaalaha labada wasaaradood, isagoo ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibka ka saaran shaqada Wasaaradda.

Waxaa uu sidoo kale u mahad celiyay Beesha caalamka oo uu yiri waxay ka qayb qaateen dibu dhiska laamaha cadaaladda, gaar ahaan Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Turkiga, Sweden, Hay’adaha UN iyo dawlado kale.

“Hirgelinta Cadaaladda waxay mas’uuliyad ka saaran tahay dhamaan ummadda Soomaaliyeed, waxaa laga rabaa qeybaha bulshada inay ka qeyb qaataan sidii dalka Soomaaliya looga hirgelin lahaa cadaalad waarta iyo nabadgelyo horseeda midnimo iyo sinaan”ayuu yiri Faarax Sheekh C/qaadir.

Sidoo kale waxaa munaasabaddan waxaa khudbado ka jeediyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Cadaaladda Jen, C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), wuxuuna u mahad celiyay wasiirkii hore iyo shaqaalaha wasaaradda, isagoo balanqaaday in uu hawsha meeshii ay ku istaagtay uu ka sii wadi doono, kana faa’iidasan doona khibradda baaxadda waynee uu meesha ugu yimid.

Dhinaca kale waxaa munaasabada ka hadlay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, isagoo u mahad celiyay wasiirkii hore ee wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha dastuurka

Mudane Faarax Sheekh C/qaadir, wuxuu balan qaaday in tix galinta koobaad uu siin doono arrimaha Dastuurka lana shaqayn doono gudiga madaxa banaan ee dibu eegista iyo qoridda Dastuurka, wuxuuna farta ku fiiqay in dastuurku uu noqo doono mid ka turjuma dhammaan ummdda soomaaliyeed.

Ugu danbayntii waxaa munaasabadda soo xiray Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte, wuxuuna ku tilmaamay wasiirkii hore shaqada uu wasaaradda ka qabtay inta uu joogay tusaale wanaagsan in ay u tahay dhammaan wasaaradaha kale ee qaranka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!