FAARAXOOW-KULBIYOOW WAA DHUL SOMAALIYEED XAMARNA CAASIMADDA SOMAALIYA.‏

by admin | Monday, Nov 28, 2011

Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaataay-Naxariis iyo Nabadgelyo Suubane Rasuulkeena(Muxamed CSW)Korkiisa, guul raacida Diinta Islaanka,gudashadda waajibaadka iyo baryadda Raxmaanka,ayaan darro,murugo joogto ah iyo wax laga xumaado xaalka dalkeena hooyo ku sugan yahay iyo kala daadsanaanta dadka somaaliyeed iyo durbaanada colaada, dagaalka,qabyaaladda iyo dhaqan xumadeeda qorshayaasha qorsoon ee dowlaha deriska oo cadoow ah.

Anigoo ah Usraad-Xassan Carab muwaadin dalkiisa iyo dadkiisaba jaceyl una taagan difaacadda karaamada, maqaamka, xoriyadda iyo jiritaanka Dalka Hooyo Allah ka rajeeynaayo guulo xaq,wanaag,midnimo buuxda xaq ah iyo hanaan dawladeed cadaalad leh dalkeeda difaacda,dadkeeda daryeesha oo dhibaatadda jirta iyo rafaadka looga baxo-aamiin,Alloow noo aqbal-amiin, Waxaan qormadan kooban kaga hadlaayaa kana jawaab celiyaa hadalo beryadan dammbe ka soo yeeraayey Mudane-Faarax Macalin-Gudimiye ku xigeenka Barlamaanka Dalka Kenya oo af-lagaadadooda iyo ku xad-gudbidda qarnimada iyo midnimadda Dalka Somaaliyeed ahna wax aan marna loo adkeeysan kareeyn kuna ceeb ah Masuul Maqaamkaas oo kale leh weliba asal ahaana Somaali ah, Mudane-Faarax waxyaabo wacan oo soo dhoweeyn leh weey jiraan oo dalka Somaalia khuseeya-Sida booqashadii Xamar ee xiligii Maxaakiimintii,Hadalo taageero ah iyo tallooyin wanaagsan,lakiin waxaa Ayaan daradeeda leh hadalo beryahan ka soo yeeraaya oo meel ka dhac weyn leh sida:-

-Daraawiishtii iyo halgamyaashii wuu ku tilmaamo kuwo gaalo raacyo ahaa(ubadkoodiina Gaaleeyeey)waana wax been ah meel ka dhac weyn,isla markaana si u dhaawacaaya Magaca iyo sumcadda Mudane Faarax Macalin(Mudane-Daraawiishtii halgamayaal,geesiyaal diideey gumeeysiga iyo gun-nimadda shisheeye,isuna taageey oo naftooda u hudhay hanashadda iyo soo hooynta xoriyad iyo qaranimo somaaliyeed,gumeeysi cadaa iyo kii madoowbaaba duruus waaweyn u dhigay,islaanimo iyo somaalinimo u dhintay(sharaf,Karaamo iyo Milgo gobeed ku leh weligoodna ku lahaanaaya guud ahaan Dalka Somaaliyeed)gumeeysi waxa wuu yahayna Faaraxoow si fiican ayaad u garaneeysaa.

-Hadal ah Kulbiyoow cida ku farekeeysa in xamar dib looga xumaayo waa qof riyoonaaya, waa hadal xadgudub iyo lid ku ah qaranimadda iyo jiritaanka Somaaliyeed,kulbiyoowna waa dhul somaaliyeed kuna jira xaduudka dhuleed ee Somaaliyeed,Xamar-na waa Caasimadda Qaran Somaaliyeed waana goobta laga xukumaayo guud ahaan dalka Somaaliya(hadii eey noqon hab dowladeed dhxde ama hab federaal)markaas hadalkaas Mudane-Faarax ma wuxuu ka wadaa Kulbiyoow oo degmo somaaliyeed ah hada wixii ka dameeya waxaa laga xukumi doonaa Neyroobi Caasimadda Kenya mise ujeedo kalle,Mudane-Faarax waa hadal aan laga fiirsan,kuna ceeb ah Masuul sare oo weliba ka socda dalka deris ah oo Ciidankoodii si xadgudub ah ku soo galeen Dalka Somaaliya(Duulimaad cad)hadalkiisuna xoojin ama cadeeyn u yahay shaki dad somaali badan qabaan,isla markaana dhaawac ku yahay Maamulka Azaaniya,Mudane-Faarax Macalin waa in uu si deg deg hadalkaas raali gelin rasmi ah uga bixiyaa kana fiirsanaa ka hadalka qaranimada iyo xuquuqdda dhuleed ee dhulka Somaaliya.

Sidoo kalle waxaan halkan dhaliil culeeyskeeda leh uga soo jeedinaayaa qeybaha hoos ku xusan oo ka gaabiyeey ama si weyn u dayacay masuulidii qarameed oo ka saarneyd Dalkooda hooyo,ilaa hadana aan wax jawaab ah ka bixiin hadalka xadgudubka iyo gefka ah ee Mudane-Faarax Macallin, waana u garasho xumo, masuuliyadda xumo iyo ka aamusida oo ah ku raacida af-lagaadada Faarax Macan iyo ku xadgudbida xurmadda iyo xuquuqadda qarameed ee Somaaliya.

-Gudoonka Barlamaanka Somaaliyeed.
-Gudigga Xiriirka Debedda Barlamaanka.
-Wasaaradda Arr.Debedda(Xukuumadda).
-Safaaradda Somaaliyeed Kenya.
-Ergadda Somaaliyeed ee Midoowga Afrika.
-Ergadda Somaaliyeed ee Qaramadda Midoobay.
-Af-hayeenka Xukuumadda.
-Ururadda Siyaasadeed(Xisbiyadda).
-Ururadda Bulshadda.
-Aqoonyahanka Qurba Jooga ah.

Gunaanadkii qormadan gaban waxaan u soo jeedin lahaa Mudane-Faarax Macalin garashada iyo Qadarin xurmadiida qof ahaaneed marka hore,marka labaad garashadda masuuliyadda uu haya iyo in aanu dalka Somaaliyeed iyo dadkiisuba ka mudnayn af-laago,fidno abuurid iyo hurinta dab hor leh,waxaana ku haboon in wuu garta kuwa soo doortay sidii wuu danahooda uga shaqeyn lahaa hawlaha horumarineed,daryeelka bulsho iyo xuquuqdooda maqan u raadiin lahaa,dib u dhaca ka jira degaankiisa wax ka qaban lahaa,inta wuu xarunta neyroobi ka af-lagaadeeynaayo Halyeeyadii Somaaliyeed kuna xad-gudbaayo dhulka somaaliyeed ama ka shaqeeynaayo kala fogeeynta iyo dhaawicidda midnimadda dhulka iyo dadka somaaliyeed(mudane-Faarax fadlan caqliga Allah ku siiyeey sida wanaagsan u adeegso-maqaamkaagana garro-adigoo sharaftaada leh)waxaana la gudboon Adiga Faarax Macalin oo ah Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Kenya iyo Xildhibaanadda asalkoodu yahay Somaalida in eey ka shaqeeyaan arrimaha loo igmadeey ama loo doortay ee degaanka gobolada Beriga Kenya(NFD)oo si weyn uga dameeya guud ahaan gobolada dalka kenya:-Magaalooyinka-Gaarissa, Wajeer iyo Mandheere tusaale ahaan waxeey si weyn baahi ugu qabaan:-Dhanka Waxbarashada,Biyaha, Korontada, Wadooyinka,Nadaafadda,Suuqadda Ganacsigga,daryeelka Agoomaha,Nabadgelyada(Dhibaatada Ciidanka Boliiska)Hanaan Garsoorka,Isgaariinta iyo boosaha,Dhul balaarsiga lagu hayo,Caafimaadka Xoolaha, Horumarinta Reer Miyiga iyo arrinta Muhiimka(Baaritaan ku sameeynta Xasuuqii degaamadaas Ciidanka Meletariga Kenya ka geeysteen)mise waxaad mudnaanta moodeen kuraasta barlamaanka Neyroobi iyo shilimadda mushaaharka iyo magaca xildhibaanimo(Naftiisa daryeelaa Walaalkiina wax tarra)waa Tallo Wanaagsan.

-ALLAH MAHAD LEH-
-Qorre-Ustaad-Hassan C/laahi Sh(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
-NOV-26-2011.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!