Fadhigii baarlamaanka oo si degan ku furmay iyo xildhibaannada oo loo qeybiyay mooshinka

by admin | Tuesday, Dec 2, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa si degan oo buuq la’aan ah goor dhaw xarunta gollaha shacabka uga furmay fadhigii baarlamaanka Soomaaliya, oo maalmihii ugu danbeeyay qabsoomi waayay kaddib markii ay ka soo horjeesteen fadhiyada baarlamaanka xildhibaannad taageersan ra’iisal wasaare Cabdiwali.

Kulanka waxaa shir guddoominaya Pro Max’ed Cismaan Jawaari oo markii uu kulanka furmayba halkaa ka aqriyay duco, isaga oo uga& mahad celiyay mudanayaasha baarlamaanka sidda degan oo ay uga qeyb-qaadanayaan fadhiga baarlamaanka.

Xildhibaannada ilaa iyo hadda ku sugan xaunta ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 207 xildhibaan waa inta saxiixday buuga xaadirinta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Mooshinka ayaa loo qeybiyay xildhibaannada, waxaana ay hadda ku guda jiraan aqrinta mooshinka, goor dhawna waxaa lagu wadda in xildhibaannadu ay is qoraan si ay uga doodaan.

Wixii soo kordha waan idin soo gudbin doonaa…

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!