Faah faahin ku saabsan weerar lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Dec 25, 2014

Muqdisho : HN :– Faah faahin dheeraad ayaa ka soo baxaya weerar  xoogagga Al-shabaab duhurnimadii maanta ay ku qaadeen xarunta Xalane oo fadhi u ah ciidamada midowgga Africa AMISOM.

Wararku waxaa ay sheegayaan dagaalyahanno ku hubeysnaa hufka fudud iyo walxaha qarxa in ay xarunta Xalane ka weerareen qeybta Isbitaalka AMISOM ay gacanta ku hayaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya qaraxyo iyo rasaas la maqlayay goor sii horeysay, waxaana weerarka uu iminka socdaa ku dhowaad hal saac, tan iyo markii uu si rasmi u soo shaac baxay in xarunta Xalane la weeraray.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegteen in ay ka dambeysay weerarkan, waxaana baraha bulshada sidaAMISOM_OO_LUGEYNEYSA-620x330 Twitter lagu qorayay wararka ku saabsan weerarkan.

Goor sii horeysay ayaa waxaa gebi ahaanba la hakiyay dhaq dhaqaaqii garoonka diyaaradaha, sidoo kale waxaa xiran wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Bishii September ee sanadkii 2009 ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerartay Xarunta Xalane, iyadoo weerarkaas loo adeegsaday labo baabuur oo ku buufsanaa Calamadaha UN-ka oo ahaa kuwa aan xabadaha karin ee horay Al-Shabaab uga qaateen Xarumihii Hey’adaha UN-ka ee ku yaalay Gobolada Koofureed.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan weerarkan lagu qaaday Xarunta Xalane oo ay ku yaalaan qaar ka mid ah Safaaradaha reer galbeedka iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!