Fanaaniintii xidigaha geeska ee Muqdisho ku qabtay bandhig faneedka oo Hargeysa lagu xirray

by admin | Sunday, Sep 27, 2015

Hargeysa : HN :–Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada booliska Somaliland ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah fanaaniintii xidigaha geeska ee habeenkii ciida ku qabtay magaalada Muqdisho Bandhig Faneed.

Fanaaniinta xabsiga loo taxaabay ayaa kala ah Nimcaan Hilaac, Maxamed Axmed Bakaal Cirro, C/raxmaan Oday iyo Xamda Queen oogeska_4 saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Hargeysa waxaa ka qabtay Ciidamada Booliska Somaliland.

Dad ku sugan magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay xariga fanaaniintan, iyadoo aan la ogeyn halka la geeyay, waxaana dad kala duwan oo asxaab la ah oo doonayay inay ku booqdaan xabsiga iyo saldhiga loo sheegay in aan la keenin.

Guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin xariga loo geystay afartan Fanaan.

Guddoomiyaha kooxda ayaa ugu danbeyntii sheegay in xarigooda la xiriiro tagistii Muqdisho oo ay bandhig faneedka ku qabteen, isla markaana aanu ogeyn cida ka dambeysay xarigooda.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!