Fanaankii weynaa Max’ed Axmed Kuluc oo Hargeysa ku geeriyooday

by admin | Saturday, Jan 17, 2015

Hargeysa : HN :-Alle ha u naxariisteen waxaa magaalad Hargeysa ku geeriyooday fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed  Maxamed Axmed Kuluc,  kaddib xanuun ku soo booday.

Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa,ayaa saxaafadda u xaqiijiyey dhimsahada fanaan Kulluc oo bilihii u dambeeyey bukaan socod ahaa, hayeeshee maalmihii u dameeyey la moodayey inuu soo ladnaanayo, wallow agaasimu sheegay inuu u geeriyooday ka dib markii uu neef-qabatoobay taas oo degdeg cisbitaalka loo soo gaadhsiiyey.

Allle ha u naxariisteen  fanaanka waxaa uu ka mid ahaa fanaaniinta caanka ah ee laga wada garanayay dhulkaMaxamed_Axmed_Kuluc_oo_maanta_geeriyooday Soomaalida degto, waxaanu ka mid ahaa hal doorkii aasaasay fanka casriga ah, waxaanu ka qaybqaatay heesihii gobonimodoonka ee lixdankii ee gumaystihii Ingiriiska lagaga xoreynayay Somalia iyo fankii dhexe ee Soomaaliya socotay isagoo inta badan qaadi jiray heeso wadani ah, kuwo guubaabo iyo heeso jacayl-ba.

Max’ed Axmed Kuluc ayaa lagu xanuusan doonaa ayaa lagu xasuusan doonno doorki uu fanka kaga jiray iyo heesihiisa wakhti walba la jaan qaadi jiray, waxaana taariikh nololeedkiisa oo dhamaystiran dib idinku soo daabi doonnaa.
Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!