Fannaanad Soomaaliyeed oo ka dalbatay Donald Trump in uusan dib u celin Soomaalida

by wadani | Friday, Nov 18, 2016

Washington : HN : Gabadha Soomaaliyeed ee heesaaga ah Deqa Afro ayaa soo saartay Hees la magac baxday “Donald Trump‘ taasoo ay kaga codsanayso madaxweynaha la doortay ee Maraykanka inuu aqbalo qowmiyadda Soomaalida Maraykanka ah.

Heesta Donald Trump

Doorashadiisa ka hor ayaa Mr Trump waxaa ku timid dhaliil, ka dib markii uu sheegay in Soomaalida ku nool Minnesota ay “ku biirayaan ISIS oo ay fidinayaan fikradahooda xagjirnimada”.

_92488748_rageDeeqa Afro oo magaceeda runta ah uu yahay Deeqa Aadan Muuse, waxay ku dhalatay Ethiopia, waxayna deggan tahay Sweden.

Waxay kaloo ka codsatay dadka soo haajiray inaysan ka cabsan madaxweynaha la doortay.

Heesta waxaa la galiyey baraha bulshada, sida Facebook iyo Youtube.

Qiyaastii 85,000 oo qof oo asalkoodu Soomaali yahay ayaa la sheegaa inay Maraykanka ku nool yihiin.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!