Fannaanadda Nimco Dareen Oo Lagu Weeraray Goob ay ka Dhigaysay Bandhig Faneed

by Yahye | Friday, Aug 24, 2012

Nairobi: HN: Fannaanadda Nimco Max’ed Xasan ” Nimco Dareen” oo caawa bandhig faneed ku qabatay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa soo gaaray dhaawac ay u geysteen rag dhallinyaro ah.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa masrixii ay ka heesaysay Nimca dareen ayaa markii ay fannaanaddu soo kortay masraxa qaadayna heestii ugu horreysay waxaa goobta soo galay niman dhallinyaro ah oo ku hubaysan ulal iyo toorreeyo.

Waxaana hal mar isku dhex yaacay goobtii lagu caweynayay, waxaana la sheegayaa in Nimco aay soo gaareen dhaawacyo aan halis ahayn laakiin muuqda.

Waxaa markaa fanaanada loola carary cisbitaalka weyn halkaasoo la sheegayo inay ku jirto xaalad degan waxaana la arkayaa Somali farabadan oo buuxda gudaha iyo banaanka Cisbitaalka, dhaawaca soo gaaray ayaa lagu sheegay in madaxa dhowr nabbar looga dhiftay, dhimirkeedu wuu joogaa weeyna hadleysaa.

Lama yaqaan ilaa hada cidii dhibka geysatay iyo sababta intaba waxaase boolisku bilaabeen baaritaano.

Wixii ka soo kordha fanaanada la soco wararkeena dabme

Hiiraan Net

Like it? Share it!